Kulmiye oo Qabtay Kulan Lagu Dardar-gelinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Hargeysa

0
715

Hargeysa (Hargeisa Press) – Kulan ballaadhan oo lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta guud ee xisga KULMIYE.

Kulankan, ayaa waxaa ka qaybgalay qaar kamid ah masuuliyiinta xisbiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, Xoghayaha guud, Faysal Cabdiraxmaan Madar, xoghayaha garabka haweenka heer qaran, Marwo Sahra Saleebaan Cawil, Guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran, Najax Siyaad Aw Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye, Guddoomiyeyaasha siddeedda degmo ee caasimadda Hargeysa u qaabilsan xisbiga iyo hawl-wadeenno kale oo xisbiga KULMIYE ka tirsan.

Kulankan, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xisbiga ee degmooyinka caasimadda, loona xoojin lahaa isku xidhka iyo wada-shaqaynta waaxyaha xisbiga ee degmooyinka Hargeysa.

Qaar kamid ah masuuliyiinta kulanka ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxda xisbiga ee degmooyinka caasimadda uga mahadnaqay hawlaha ay hayaan, waxaa ayna kula dardaarmeen inay sii labanlaabaan shaqooyinkooda, si kor loogu qaado loona dardargeliyo hawlaha kala duwan ee xisbiga.

Kulankan, waxa soo abaabulay Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxaana uu ku soo dhamaaday guul, iyada oo cid waliba ballan-qaadday inay kaalinteeda ka qaadan doonto waajibaadka shaqo ee saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here