Kulmiye Miyuu Is Iibiyay?Waxa Qorey Ubax Siciid Cabdule.

0
1168

Xisbiyada siyaasadu waa salaanka laga fuulo kursiga laga hago qaranka , marka ay koox siyaasiyiin ah oo isku mabda’ah ay isu bahaystaan aasaasida xisbi qaran oo ka turjuma dareenka shacbiweynaha ku dhaqan guud ahaan deegaanda wadanka way adagtahay sida ay kumanyaal iyo malaayiin dad ah ku  kasbadaan quluubtooda  uguna codeeyaan oo kaga doortaan xisbiyada saaxada la jooga ee tartanka adagi dhex yaalo.

 

kalsoonida shacabka laguma hanto kumana timaado  qabyaalad iyo  abtirsiin qabiil , lacag iyo dhaqaale la saydh-saydho, xukuumada iyo xisbiyada kula tartamaaya oo dhaliil la huwiyo , been iyo borobagaando aan sal lahayn, balse waxa shacbiweynaha  kalsoonidooda lagu hantaa barnaamij siyaasadeed  iyo qorshe taaba gal ah oo geediga horumarka sii wadi kara .

waxaa xisbiga la gudboon in uu talaabooyinkan qaado :

  1. soo bandhigista barnaamij siyaasadeed ku qotama mabaadi ka turjumaaya  aragtida dadweynaha ,hiigsigooda iyo yoolkooda ku dhisan horumarka iyo gaadhitaanka himiladooda mustaqbal,
  2. marka aad soo bandhigto barnaamijkaaga  waa in aad bulshada ku qancisaa  qorshahaaga oo ay ku aaminaan kuna rumaystaan ,
  3. ma jiro shacbi cidwalba aaminayaa ee waa in aad miiska keentaa hogaamiye ku suntan hogaamin wanaagsan oo dadku dhagaysanayaan oo ay kalsoonidooda siin karaan,
  4. intaa kadib marka ay ku saaraan kursigana waa xujo hor lehe waa in aad fulisaa axdigaad qaaday, hadii kale arinkaagu wuxuu noqon doonaa kubartoo dib kuuma aamino.

 

Milicsi Sababihii Guusha Kulmiye Ee Doorashadii 2010

 

Suaasha isweydiinta mudani waxa weeye  doorashadii 2010kii sidee buu xisbiga kulmiye ku kasbaday 50% codka shacabka Somaliland isaga oo ay la tartamayeen xisbi xaakimkii iyo xisbigii mucaaradka ahaa ee Ucid. Waxaynu ogsoonahay in inta badan ay aad u adag tahay  wadamada Afrika in xisbiga talada haya doorashada laga helo waayo waxa uu isticmaalaa awood kasta si aanay taladu marnaba gacantiisa uga bixin.

Kulmiye sababaha u sahlay inuu codka intaa leeg kaga guulaysto xisbigii talada hayay ilaa heer ay gaadheen  qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbigii Udub ay yidhaahdeen waa nalagaga shubtay doorashada , waxaynu odhan karnaa qodobadan soo socda ayaa saldhig u ahaa.

1:mabda’a  xisbinimada:  dhamaan maskaxihii salka udhigay xisbigu waxay ku midaysnaayeen mabda,a ku dhisan aqoon iyo maamul wanaag, waxay tiirdhexaadkiisa iyo hogaankiisuba ahaayeen siyaasiyiintii, mujaahidiintii indheer garadkii, aqoonyahankii ugu muga iyo miisaanka cuslaa wadanka hadii ay dalka dhisitaankiisii iyo halgankiisiiba tahay hormuudka ka ahaa.

2: musharaxii u tartamaayay: xisbi meesha koowaad ee ay ishu ku dhacaysaa waa musharaxa Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayay musharax ka dhigteen oo ahaa halgamaa, indheer garad, aqoonyahan, siyaasi rug cadaaya.kuna sifaysnaa samir, dulqaad iyo hal adayg.

3:siyaasadoodii: waxay keeneen siyaasad quluubta bulshada soo jiidatay oo aan ahayn hadal iyo  khudbado qurux badan oo qudha balse waxay qorshe ka turjumaaya baahidii dalka  ku soo qoreen buugoodii cagaarnaa ee ay doorashada ku galeen si hadhaw loogu la xisaabtamo (international standard political manifesto)

4:doorashadii 2003:  kulmiye wuxuu lahaa taariikh casiis ah oo hambalyo mudan taasoo ay ku kasbadeen markii doorashadii 2003dii lagaga guulaystay  cod yar oo weliba madmadow geli kara waxa uu muujiyay xisbigii kulmiye inaanu kursi doon uun ahayn balse uu dadka iyo dalkaba lexejeclo ka hayso oo muran iyo khilaaf midna aanu gelin ee uu tixgeliyo bulshada Somaliland taasi waxay geyaysiisay kalsoonida shacabka. waxaana uu noqday xisbi laga qiimeeyay qaarada Africa waxaanu  ka mid noqday dalada ay ku midoobeen xisbiyada dimuquraadiga ah ee qaarada Africa (African Liberal Network)

Kulmiye Muxuu Doorashada 2017 Iibgeynayaa

 

Kulmiye wuxuu u muuqdaa xisbi si wanaagsan isku iibiyay oo loo saadaalin karo in uu mar kale si fudud u hantiyo karo kalsoonida shacbiweynaha Somaliland  aynu qodobayno qodobada kulmiye isku iibinaayo:

  1. Oofinta axdigii kulmiye uu 2010 ku soo bandhigay buug siyaasadeedkiisii , rajooyinkii buugaas ku qornaana uu ku guulaystay rumayntooda
  2. Hogaamiyihii qaranka ee xisbiga kulmiye keenay Axmed Siilaanyo oo taariikh cusub dhigay taas oo ka badalan kursi-jacaylkii hogaamiyeyaasha afrika looga bartay
  3. Murashaxa doorashada 2017 utartamaaya muuse biixi cabdi oo ka mida siyaasiyiinta bisil ee waayo araga ah magaca iyo maamuuskana ku leh taariikhda qaranka Somaliland oo ay usoo xusheen in uu wadanka horumarkiisa sii wado oo ay adagtahay sida lagu helo siyaasi lamiisaana oo waqtigan saaxada siyaasada Somaliland joogaa
  4. Barnaamij ka turjumaaya baahiyaha qaranka oo saanadkan 2017 kulmiye masraxa soo dhigaayo kaasoo noqonaaya buugii labaad ee ay ololaha ku galaan.

 

Ugu danbayntii Xisbiga kulmiye wuxuu umuuqdaa mid ka taliyay aayaha qaranka iyo jiritaankooda xisbinimaba ka dib markii uu ilaahay waafajiyay in ay murashax ka dhigtaan muuse biixi cabdi oo wadanku baahi uqabo hogaamintiisa , ahna siyaasi fahansan waxay umadu ubaahantahay , oo gaadhsiinta yoolkaasna kartideeda leh

 

Ubax siciid cabdille

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here