Kulan Saddex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka + SAWIRRO

0
797

HARGEISA, (HargeisaPress) —Kulan Saddex geesood ah oo ay isugu yimaadeen Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaranka oo lagu gorfeeyey muwaadiniin mudo  badan waayey xuquuqdoodii Distooriga ahaa ee ay wax ku dooran lahaayeen ama iyagaba  la  dooran lahaa.

 

Kulan Saddex geesood ah oo maanta ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada ayey kasoo qaybgaleen tiro kamida golaha Xukuumada, Komishanka Dooraashooyinka iyo Masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran.

f8822469-98c2-4e2e-a896-ef40054af97f

Kulankan oo uu gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayey Ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka  dhacay  halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd  ee qeexaysay  in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.

5c385e1d-82d7-4454-a76f-e9b05d12b970

Goobaha oo kala ahaa: Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh , Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha   ayaa ahaa goobo uu khilaaf ka taagnaa dhinaca xuduudaha ah darteed ku waayey xuquuqdaas dastuuriga ahayd maadama ay ku  kulmaan  Gobolada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil.

25426600-b359-4096-815a-577bdc7ffc6d

Haddaba, kulankan oo si heer sare ah  loo soo agaasimay ayey dhinacyada kulankan kasoo xaadiray si fiican u kala sheegeen faraqa u dhaxeeya in doorasho ka dhacdo iyo in dadka goobta ku nool la diiwaangaliyo iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobtaas ku nool.

95028ed4-4478-4cde-a7f9-bf33e2bcd545

Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhawaaqi doonaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo  noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah  muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.

 

Isku soo wada duubo kulankan ayaa ahaa mid arimaha lagu gorfeeyey hannaan qaranimo iyo dareen ummadnimo

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here