Awdal: Ciidamadda Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Qaad Badan

0
912

Baki (HP): Ciidanka Booliska ee sugan degmada Baki ee ka tirsan gobolka Awdal ayaa gacanta ku soo dhigay gaadhi laan-karuusar ah oo lagu siday Jaad sharci daro ah oo la doonayey in si qarsoodi ah lagu soo galiyo gobolkaas.

Waxaana  halkaas ka hadlay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee gobolkaas gaashaanle dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin, oo sheegay in Jaadkaasi ka koobnaa shan iyo todobaatank kiilo oo Jabis ah iyo konton marduuf oo Dadar ah.

Waxaanu digniin u diray dadka ku hawlan Jaadka kootarabaanka ah, isagoo bulshada ka codsaday inaanay naftooda iyo hantidooda dhibaato u geysan.

Waxa kale, oo iyana halkaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka degmada Baki Dayib Xasan Cige iyo taliyaha saldhiga Booliska ee degmada Baki oo sheegay inay ka degmo ahaan ay tahay markii u horaysay ee ay soo qabtaan Jaad kooratabaana ah, isla markaan a bulshada ku dhaqan degmadaas ku booriyey inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska.

Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Cawaale Faarax Cilmi, oo wax lala yaabo ku tilmamay Jaadka sida qarsoodiga ah lagu soo galinayo gobolka Awdal.

Isagoo bulshada gobolkaas ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo uu ku faafi karo xannuunka karoona fayras.

Waxaanu intaas raaciyey in aanay jirin cid aan ogeyn khatarta cudurkaas, isla markaana ay haboon tahay in la qaato wacyigelinta wasaaradda horumarinta caafimaadku bulshada u soo gudbinayso.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here