Kooxda ISIS oo Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyadii Paris ee ay Dadka badni ku Dhinteen + SAWIRRO

0
1243

PARIS France, (HargeisaPress) — Ugu yaraan 130-ruux ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay ku dhaawacmeen 180-qof oo kale qaraxyo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska dalka Faransiiska oo warbaahinta kula hadlay maanta magaalada Paris.

Football fans leave the Stade de France stadium following the friendly football match between France and Germany in Saint-Denis, north of Paris, on November 13, 2015, after a series of gun attacks occurred across Paris as well as explosions outside the national stadium where France was hosting Germany. Franck Fife / AFP / Getty Images
Football fans leave the Stade de France stadium following the friendly football match between France and Germany in Saint-Denis, north of Paris, on November 13, 2015, after a series of gun attacks occurred across Paris as well as explosions outside the national stadium where France was hosting Germany. Franck Fife / AFP / Getty Images

 

Booliiska dalka Faransiiska ayaa hadalkooda ku daray in baasaboorka Suuriya laga helay dibadda garoonka Stade de France, halkaasoo ka mid ah goobihii lala beegsaday qaraxyada khasaaraha faraha badan geystay.

 

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Bernard Cazeneuve oo isagana la hadlay Warbaahinta Sabtida maanta ah ayaa sheegay in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay France, lana hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

A man lies on the ground as French police check his identity near the Bataclan concert hall following fatal shootings in Paris. The man was later released after his identity was verified. Christian Hartmann / Reuters
A man lies on the ground as French police check his identity near the Bataclan concert hall following fatal shootings in Paris. The man was later released after his identity was verified. Christian Hartmann / Reuters

 

“Waxaa hakad la geliyay socodka dadka, xuduudaha dalka Faransiiska oo dhanna waa la adkeeyay, ciidamadanna heegan ayaa la geliyay si ay uga hortagaan wax walba oo sababi kara amni-darro,” ayuu war-fidiyeenka u sheegay Bernard Cazeneuve.

 

Kooxda ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyada iyo iska-horimaadyo daba socday oo lala beegsaday xalay lix goobood oo ku yaalla Paris, kuwaasoo in ka badan 128-qof ay natooda ku waayeen, iyadoo weerarkan lagu tilimaamay kii ugu xumaa ee Faransiiska ka dhaca muddo sannado ah.

tooshada baris

 

 

 

“Weerarradan ka dhacay goobo kala duwan oo magaalada Paris ku yaalla waxaa geystay siddeed dagaalyahan oo xoogaggeenna ka tirsanaa, kuwaasoo jirkooda ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa iyo kooxo kale oohubeysan,” ayay ISIS ku sheegtay warbixin kooban oo ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka.

 

Booliiska Faransiiska ayaa sheegay in tirada weerarradan ku dhaawacmay180-qof ay kala bar dhaawacyo culus qabaan, inkastoo aysan sheegin inay ciidammo ku jiraa iyo in kale.

 

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande ayaa cambaareeyay weerarradaan ay kooxda ISIS ka geystay Paris, isagoo sheegay in weerarradan uu yahay mid ay ISIS kusoo qaadday dalka Faransiiska. Wuxuuna intaas ku daray inay yihiin kuwo laga soo abaabulay dibadda dalka Faransiiska.

Weerarkii_Paris_ka_dhacay (5)

 

 

“Marka ay qaraxyadu weerar noocan oo kale ah ka geysanayaan Faransiiska, way og-yihiin inaan jawaab adag ka bixin doonno,” ayuu yiri Francois Hollande, oo intaas raaciyay inuu ka baaqday shir uu uga qayb-geli lahaa dalka Turkiga.

 

Ugu dabmeyn, ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarradan xalay ka dhacay magaalada Paris, iyadoo booliisku Faransiisku ay ku sheegeen warbixin ay maanta soo saareen in dhimashada dadkii ku geeriyooday weerarradaan ay gaarayaan 128-qof, lana dilay toddoba ka mid ah siddeed qof oo ay sheegeen inay weerarradan geysteen.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here