Xukuumadda Somaliland Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Weerarkii Lagu Qaaday Magaalada Paris.

0
827
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Paris.

 

Sidaa waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta Maxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan cige (Xuseen Dayr), isla markaana ku qornaa Luuqadda Afka Ingiriisiga, oo idiinku soo turjumnay Af Soomaali.

 

Waxaana War-Saxaafadeedkaa Nuqulka ka midka ahi soo gaadhay Shabakadda Wararka eeΒ HargeisaPress.com,Β lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland isagoo ku hadla afkiisa, afka dawladda iyo Shacabka Somaliland uu aad uga xun yahay weerarka lagu qaaday Faransiiska ee argaggixiso, isla markaana uu si kulul u cambaaraynayo, Tacsina u dirayo dawladda iyo Shacabka Faransiiska guud ahaan, gaar ahaanna Ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarradaas.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu weeraradaasi uu ku macneeyay kuwo Wax shinimada ah oo dad aan waxba galabsan lagu laayay, waxa uu ahaa weerar lagu soo qaaday nolosha aadanaha.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here