Daawo Muuqaal: Musharaxiintii Isbahaystay Ee Kulmiye Oo War Ka Soo Saaray Khilaafkii Kulmiye Iyo U Cumaamadka Muuse Iyo Saylici

0
759

Hargeysa, (HargeisaPress) — Musharaxiintii isbahaystay ee Kulmiye(Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi, Xildhibaan Kijaandhe iyo taageerayaashooda), ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan hanaankii uu u dhacay khilaafkooda iyo maroorsigii garabka Muuse Biixi ee qabanqaabada shirkii Kulmiye, waxaanay taxeen dhacdooyinkii ku suntanaa murankooda.

 

 

Garabkan isku magacaabay isbahaysiga doorasho ama dimuqraadiyad doonka Kulmiye waxay sheegeen inay muddo laba sanno ah madaxweynaha ku garab taagnaayeen sidii uu teeramkiisa labaad isu sharixi lahaa, balse ay garabkoodu liqi karri waayeen markii uu wasiiro beeshiisa ah faray inay taageeraan Muuse Biixi.

Halkan ka daawo Muuqaalka Warsaxaafadeedka isbahaysiga oo Wasiirkii hore ee caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid saxaafadda u akhriyay

 

 

 

Garabkan ayaa qoraalkooda ku sheegay in madaxweyne Siilaanyo isku dayay inuu kala jajabiyo musharaxiinta isbahaystay, islamarkaana xubno looga yeedhay madaxtooyada, si looga dhaadhiciyo ka qayb galka shirka iyo inay ka baxaan isbahaysiga.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here