Kontonkii Ardey Ee Ku Guuleystey Imtixaankii Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Hargeysa Oo 21 Kamid ahi Noqdeen Ardeyda Dugsiyada Nuuradiin-Schools

0
1031

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kadib markii Imtixaan laga qaadey boqolaal kamid ah Ardeyda sida gaarka ah u daneynayay in ay wax ka bartaan Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Hargeysa Ardeydii dhameystey Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare waxa ku guuleystey Imtixaankaasi Kontonkii Ardey ee loo baahnaa taas oo 21 kamiod ah Ardeyda laga qaadey Imtixaanku kamid noqdeen Ardeyda Dugsiga Sare ee Nuuradiin Schools oo sumcad usoo hooyay Dugsiogii ay waxbarashadii Dugsiga Sare kusoo dhameysteen.

 

Sida ku cad Shaxda Guud ee Imtixaanka laga qaadey boqolaal kamid ah Ardeydii sida gaarka ah u daneynayay Waxbarashada Kuliyada Caafimaadka Jaamacada Hargeysa waxa Kontonkii Ardey eek u guuleystay Imtixaankaasi 21 Ardey oo kamid ahi noqdeen Ardeyda Dugsiga Sare ee Nuuradiin-Schools oo darajo ahaan lagu qiimeeyay in Nuuradiin Schools ka helay kaalintan boqolkiiba laba iyo afartan iyadoo guushani u lamaaneyneysa ku dhawaaqistii Imtixaanaadka Shaadiga ah ee Dugsiyada dalka oo dhan oo kaalinta koowaad iyo ta afraad uu Dugsiga Nuuradiin-Schools ku guuleystey Fasaladiisa afraad ee Dugsiga Sare dalka oo dhan.

 

Dugsiyada Nuuradiin-Shools ayaa had iyo jeer dedaal badan u muujiya sidii ay usoo xuli lahaayeen Macalimiin ku adag tayada Waxbarashada iyo habka barista Ardeyda(Way of Teaching) taas oo ay sanad walba sumcad kaga helaan kaalin fiicana ka galaan imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka iyo Imtixaanada kale iyadoo Imtixaanka Jaamacada Hargeysa ee Kuliyada Caafimaadka Ardeydu u galeen uu sumcada Dugsiyada Nuuradiin wax badan usoo kordhin doono.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here