Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Shaaciyay In Dib U Dhac Ku Yimid Qabsoomida Doorashooyinka Wakiiladda iyo Degaanka

0
789

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shaaciyay in aanay doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo degaanka  wakhtigii hore loogu qorsheeyay ku qabsoomi Karin, sababo jira awgeed.

?

Doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda ee Somaliland ayaa markii hore u qorshaysnaa in ay dalka ka qabsoomaan 29-ka bisha March ee sanadkan.

Hase yeeshee xubnaha komishanka doorashooyinka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntoodda magaaladda Hargaysa, ayaa ku tilmaamay  in caqabado dhawra oo jira darteed aanay doorashooyinkaasi xiligii la qorsheeyay ku dhici doonin.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in kadib markii ay komishanku wixii hawlo u yaalay dhamaystireen in hadana ay soo baxeen caqabado kale oo isugu jira kuwo sharci, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale ba.

Daawo Guddoomiye C/qaadir Iimaan oo faahfaahin ka bixinayay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here