18May CalankaSomaliland TarbiyaddaIslaamka Qaranimada
Salaaddii Jimce ee maanta waxaan ku tukaday Masjidka xaafaddeenna, waxaana mimbarka fuulay Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada xaafadda isla markaana bare ka ah qaar ka mid ah machadyada diinigga ah. Markii salaadda laga baxay ayuu khudbad kooban oo qiimo badan jeediyey, taas oo uu diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta tarbiyadda iyo sharafta Islaamka, gaar ahaan xilliyada ay socdaan isu-soo-baxyada lagu taageerayo qaranimada Somaliland, sida dabaaldega 18ka May.
Sheekhu wuxuu tusaale u soo qaatay dhacdo ka dhacday Xaramka oo uu yidhi:
“Laba kooxood oo Xujaaj ah oo ka kala yimid Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hal goob lagu dejiyey. Mid walba calankooda ayey sudhatay. Markii dambe, kooxdii ka socotay Soomaaliya ayaa u tagtay kooxda Somaliland waxayna ku yidhaahdeen: ‘Calankan dajiya, Soomaaliya hal calan bay leedahay.’ Kooxdii reer Somaliland way diideen, halkaasna buuq iyo muran ayaa ka dhashay.
Labadii kooxoodba waxay u dacwoodeen booliska Xaramka. Booliskii wuxuu amray in labada calanba la dajiyo. Kooxdii Soomaaliya way dajisay calankoodii, balse kooxda reer Somaliland way ka biyo diiday. Kooxdii kale ayaa mar kale ku laabatay booliska, waxayna ku yidhaahdeen: ‘Calankii kale lama dajin ee ciidan ha loo diro.’
Ninkii ciidanka watay markii uu arkay calanka Somaliland oo ay ku qoran tahay Kalimatu-Tawxiid, wuxuu yidhi: ‘Kan anigu ma dajin karo, xitaa haddii uu ina Salmaan (Boqorka Sacuudiga) amro, ma dajinayo.’ Calankii sidii ayuu u taagnaa.”
Sheekhu wuxuu ku soo gunaanaday:
“Waa in calankiinna la xurmeeyaa, si gaar ahna loo ilaaliyaa maadaama uu xambaarsan yahay kalimadda Tawxiidka. Wakhtiyada dabaaldegga waa lagu tuuraa dhulka, waa lagu tuntaa, carruur iyo dumar ayaa ku ciyaara. Waa in laga digtoonaadaa arrintaas si loo dhowro xurmada iyo qiimaha uu leeyahay.”
W/Q Qoraa Ismaaciil Cali Axmed