Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Fuaad Axmed Nuux, ayaa shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ku soo bandhigay Hindise lagu hirgelinayo Siyaasadda Dal-ku-galka ku xidhan Imaanshaha (Somaliland Visa On Arrival Policy- VOA).
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa waxaa uu faah-faahin dheeraad ah uu ka bixiyey muhiimadda ay arrintani u leedahay adeegyada duulimaadyada, dalxiiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Waxaa uu sharraxay wadamada ku yaalla Gobolka Geeska Afrika iyo kuwa Caalamka ee hirgaliyay Siyaasadda Visa On Arrival iyo sida ay u saamaysay dhaqaalahooda, dalxiiska, Hoteel-lada, gaadiidka, gaar ahaan wadamada Rwanda, Ethiopia, Kenya, Oman, Srilanka iyo Ghana iyadoo cel-celis ahaan wadamadaasi uu kobcay dhaqaalahooda dalxiiska iyo isu socodka dadku inta u dhaxaysa 20% ilaa 25%.