Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo kormeeray goobta ay ciidamadu uga diyaar-garoobayaan 18-May

0
1356

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyeyaasha kala duwan ee Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta kormeer ku tageen goobta ay ciidamada qalabka sida uga diyaar garoobayaan xuska maalinta Qarannimada Somaliland ee 18ka May.

Kormeerka taliyeyaasha kala duwan ee Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu qiimeeyo heerka diyaar garowga iyo tababarka ciidamada ee munaasibadda qaran ee foodda inagu soo haysa.

Taliyeyaasha kala duwan ee Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ay dhiirrigeliyeen ciidamada kala duwan ee qaran ee ku jira diyaar garowga maalinta qaran ee 18 May.

Waxaana ay Taliyeyaashu ku bogaadiyeen Ciidamada, dadaalka ay ugu jiraan sidii si habsami leh oo sharaf leh loogu dabbaaldegi lahaa maalinta xuska qaranimada, taasoo astaan u ah gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

May be an image of 3 people and text

May be an image of 3 people and text

May be an image of 9 people and text

May be an image of 8 people and text

May be an image of 9 people and text

May be an image of 10 people and text

May be an image of 7 people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here