Khudbadda Madaxweynaha Somaliland Ka Jeediyay Munaasibadda 18-ka May

0
1293

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa  khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda xuska 31-guurada Maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18 May oo maanta si weyn looga xusay gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa uu ka sheekeeyay waxa sababay in Somaliland ay ka noqoto midowgii, isagoo sheegay in cadaalad daro iyo cadaadis ay shacabka Somaliland kala kulmeen midowgii.

“Markii ay Somaliland tidhi shuruud la’aan ayaanu idinkula midownay, waxay yidhaahdeen madaxweynaha koonfur baa leh, ra’iisal wasaarahana anaga ayaa leh, wasiirka arrimaha dibadda anaga ayaa leh, wasiirka arrimaha gudahan-na anaga ayaa leh, wasiirka maaliyadana anaga ayaa leh, caasimadu waa Xamar, dekeddu waa Xamar, labadaba taliye ciidan anaga leh” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Madaxweynaha, ayaa xusay in 30 kii sanno ee ay jirtay dowladii Soomaalidu laga faa’iiday burbur iyo isnac, waxa oo uu sheegay in marka laga yimaado dagaalkii u dhexeeyay SNM iyo dowladii Kacaanka, dhibaatooyinka Somaliland soo gaadhay ay kamid ahaayeen labadii dagaal ee lala galay Itoobiya oo si gaara saamayn taban ugu yeeshay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here