Somaliland oo Si Weyn Looga Debaal-degay Xuska Munaasibadda 18-ka May

0
1490

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland si weyn looga debaal-gegay xuska munaasibadda 31-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii.

Iyadoo sanad kasta si weyn Somaliland looga xuso 18-ka May, ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland ka socday qabanqabada xuska 18-ka May.

Caasimadda Hargeysa, waxa lagu qabtay munaasibaddii ugu ballaadhneyd ee lagu xuso sannad-guurada 18 May, iyadoo fagaaraha xuska maalinta xorriyadda ay soo mareen ciidamo iyo tekniko tiro badan oo markii u horeysay ka qayb-qaatay xuska maalinta.

Waxaa xuska 18-ka May si weyn uga qayb-qaatay, Madaxweynaha Somaliland, Shir-guddoonnada Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee Qaranka, xildhibaanno iyo, Marti-sharaf ka kala timi dalalka deriska iyo dadweynaha caasimadda.

Magaaooyinka waaweyn ee gobollada dalka oo ay ugu horreeyaan Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Laascaanood iyo Ceerigaabo, ayaa si weyn looga xusay munaasibadda 18-ka May, waxaana dadweynaha degmooyinkaas kala qayb-galay masuuliyiinta qaranka iyo sraakiisha ugu sarreysay Xisbiyada Mucaaradka.

Maalinta Xoriyada Somaliland waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan Somaliland iyo wadamada dibadaha ee ay joogaan jaaliyada dadka reer Somaliland u dhashay, iyada oo ay maalntani ku suntan tahay maalinta qaranimada Somaliland.

Waxaana ay maalintani ku timid ka dib dedaal badan iyo hiigsi badan oo loo maray horumarinta wadanka, ayaa sanadkii 1991-kii shirweyne ay beelaha Somaliland ku qabsadeen magaalo madaxda labaad ee Burco waxa ay ku go’aansadeen in ay Somaliland noqoto qaran madaxbanaan oo ay xoriyadeedii luntay 1960-kii oo ay la midoobeen Somalia inteeda kale ay dib ula soo nqodaan, waxaana go’aankaasi saxeexay golihii dhexe ee Ururkii SNM (Somali National Movement), iyada oo ay halkaasi ku luntay rajadii ay dadka reer Somaliland wakhtiga badan ku taamayeen oo ahayd in la helo Shan Soomaaliyeed oo noqda wadan kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here