Sawirrada Xuska 18-ka May Ee Magaalada Hargeysa

0
1214

Hargeysa (Hargeisa Press) – Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay munaasibadda 31-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 18-kii May 1991-kii.

Munaasibadda lagu qabtay barxadda fagaaraha ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, wufuud kala duwan oo dalalka deriska iyo  dunida uga timi ka qaybgalka munaasibadda,taliyeyaasha ciidamada, ururrada bulshada,  siyaasiyiin iyo haldoor bulshada kamid ah iyo marti-sharaf kale.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ah, bahda waxbarashada, degmooyinka caasimadda, kooxaha Sports-ka ee Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland, ayaa fagaaraha koox koox u maray, kuwaas oo ay ka muuqatay shucuur waddaniyadeed.

Ciidamada kala duwan, shirkadaha, dugsiyada waxbadarashada, ururrada bulshada iyo dadyow kale oo is abaabulay, ayaa socod ku maray wadada wadanaha ee magaalada Hargeysa.

Fagaaraha, ayaa waxaa lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo maalinta qarannimada ee 18-ka May.

Hoos ka daawo muuqaalka sawirrada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here