KENYA: Dadweyne isku soo Xoomay oo Dhagax ku dilay Tuug kaddibna gubay

0
1021

MOMBASA, Kenya , (HargeisaPress) — Nin looga shakiyay inuu ahaa Burcad xaday TV, ayaa dhagax lagu dilay, isla markaasna lagu gubay deegaanka Embulbul ee ka tirsan gobolka Kijaadho ee dalka Kenya.

Tuhamanaha ayaa lagu weeraray qaab goobasho ah kadib markii lagu eedeyay isaga iyo rag kale iney jabiyay gurigii labaad oo ku yaallo deegaankaas; ayna ka qaateen alaab abaaro 5:00 AM ee maalin ka hor.

Adamson Furaha oo ah Taliye ku xigeenka Ciidamada Bilayska Kijaadho, ayaa sheegay in qofka la dilay uu ahaa nin lagu tuhuumay inuu alaab xaday, wuxuuna intaas ku daray xiligii la dilaayay inuu waday TV, isla markaasna ay hareereeyeen dad tiro badan oo qaab goobasha ah u Dhagaxyeeyay kadibna Dab qabadsiiyaan.

Furaha, ayaa sidoo kale sheegay in tuugada uu ka tirsanaa ninkaas ay ka xadeen gurigii ay jabsadeen Kaanalada Go- TV iyo saddex telefoonada gacanta ah.

Meydka qofka la dilay ayuu sheegay Taliyuhu in loo qaaday meesha la dhigo Meydadka si loo baaro qofka uu yahay.

Taliyaha ku xigeenka ciidamada Bilayska Kijaadho, wuxuu sidoo kale tilmaamay iney raadinayaan labo nin oo lagu tuhuunsan yahay iney la socdeen ninka la dilay isla markaasna ay la jabsadeen guryaha ay alaabta ka qaatay.

Furaha, wuxuu dhanka kale oga digay dadka deegaanka Kijaadho iney ka fogaadaan falalka gubida iyo dhagax ku dilka ah, isagoona sheegay iney falal dambiyeed ku gali karaan.

“Shacabku qofka ay ka shakiyaan waa in ay ka warbixiyaan ama ay soo qabtaan oo ay booliiska ku wargeliyaan in kor inta aynan dhibaato u geysanin,” ayuu yiri Adamson Furaha .

Shacabka Kenya ayaa inta badan waxey ku dilaan tuugada qaab isku soo xoomid ah ayagoona ku gubo taayarada Baabuurta ama ku dilo Dhagaxyo, waxeyna inta badan falalkaas oo loo yaqaano Mop Justice ay ka dhacaan Magaalada Mombasa ee xarunta gobalka Xeebta Kenya.

Balse sharciga Kenya, ayaa wuxuu qabaa in la xiro tuugada kadibna la soo taago Maxkamada isla markaasna lagu qaado dambiyada ay galaan.

 

 

Najah Mohamed Ali
najah.moha@gmail.com | najah.moha@journalist.com
Nairobi – Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here