Jimciyadda Al Raxma oo Deeq Raashin Ah U Qaybisay 30 Qoys

0
738

Hargeisa (Hargeisa Press) – Jimciyada Al Raxma Al khayriya oo ka shaqaysa hawlaha samafalka iyo taageeridda dadka jilicsan ayaa deeq raashin dhammaystiran ah u qaybisay 30 qoys oo degan magaalada Hargeysa.

Deeqadan Raashinka ah oo ay soo bixiyeen haweenka Somaliland ee ku nool dalka Imaaraadka carabta ayay ugu talo galeen sidii dadka baahan loo gaadhsiin lahaa wakhtigan la Sooman yahay.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay ,kana warbixiyey deeqdan guddoomiyaha Jimciyada AL Raxma Al Khariya Sheekh Cabdalla Maxamed Ibraahim oo u mahadceliyey haweenka reer Somaliland ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta, isagoo sharaxay mihiimada ay leedahay in wakhtigan Ramadaanta bixinta sadaqada la badsado.

Dhinaca kale, guddoomiye Cabdalle waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin wakhtigan soonka inay affuriyaan dadka masaakiinta  ah ee ku jira Cisbitaaladda dalka iyo qaar ka mid ah Masaajidada.

Ugu dambayntiina waxa halkaasi ka hadlay dadkii deeqdan raashinka la gaadhsiiyey oo u mahadceliyey cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii uu Raashinkani u soo gaadhi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here