Jabuuti oo Somaliland Ka Taageeraysa Biyo Balaadhinta Hargeysa

0
2447

Djibouti (Hargeisa Press)- Dowladda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay in ay Somaliland ka taageerayso mashaariicda dhinaca horumarinta gaar ahaana biyaha.

Waxaanay Jabuuti dhawaan u soo diri doontaa Somaliland khubarro ka gacan siiya biyo balaadhinta magaaladda Hargaysa.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka war bixinayay kulan maanta ay wada yeesheen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo booqaasho rasmiya ku jooga dalka Jabuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf, oo faahfaahin ka bixinayay waxyaabihii ay labadda madaxweyne ka wada hadleen waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti, waxay ka wada hadleen dhinaca ka caawinta horumarka, ee ay Somaliland uga baahan tahay taageerada Jabuuti, ee dhinacyadda qaar.

Waxyaabaha aan ka gacan siin doonno Somaliland waxaa ka mida biyo gelinta caasimadda Hargaysa, Iyadoo dhawaan loo diri doono Somaliland khubarro ku takhasusay arrimahaasi”.

Geesta kale, wasiirka arrinaha dibadda Jabuuti waxa uu sheegay in labadda madaxweyne ay ka wada hadleen iskaashiga arrimaha ganacsiga iyo isku socodka bulshadda ee xuduudka labadda dal.

“Dhinaca xadka Lawyocade iyo Saylac, ayay isla soo qaadeen labadda madaxweyne. Waxyaabaha isaga gudba dhinaca ganacsiga xuduudka.

Baabuurta xamuulka qaadda ee labadda dhinac iyo sidii labadda bulsho ee ku kala nool xadka, ay u heli lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah, oo uu ka mid yahay ganacsiga” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here