Jaaliydda Somaliland dalka Holand oo si Meeqaamsare ah u soo dhaweeyay Dr. Adna Aaden Ismaciil.

0
1183

Hargeysa(HargeisaPress)-Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holand Maxamuud Cabdale Digaale iyo iyo Guddoomiyaha Ururka Nomad ayaa si Meeqaamsare ugu soo dhaweeyay Magaalada Amsterdam ee dalka Holand Dr.Edna Aaden Ismaciil oo socdaal ku tagtay dalkaas.

Sidoo kale soo dhawayntan Adna Aaden Ismaciil ayaa waxa ka soo qayb galay Jaaliyaddda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka waxaana ka mid ahaa Xubnaha Jaaliyadda Cabdikariim Qoorgaab iyo xubno kale oo ka tirsan Jaaliyadda Holand.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holand Maxamuud Cabdale Digaale iyo Guddoomiyaha Ururka Nomad Cabdiraxmaan Bare ayaa hadalo ka jeediyay soo dhawayntaa loo Sameeyay Adna Aden ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay socdaal ku timaado Adna Aden dalka Holand, isla Markaana ay farxad u tahay in halkaa ku soo dhaweeyaan.

Sidoo kale Edna Aaden Ismaciil ayaa ka qayb gali Doonta Shir Caalamiya oo Maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa ka qabsoomi doona dalka Holand,waxaana ay kaga hadli doontaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay Somaliland.

SAWIRRO

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here