Odayaasha Madasha Wada-tashiga oo Dacwad Ku Oogay Golaha Guurtida Somaliland iyo Sababta Keentay

0
740

Hargeisa (Hargeisa Press)- Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ee Somaliland, ayaa shaaciyey inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Golaha Guurtida Somaliland iyo Sharciyadda uu wakhtigan ku shaqeeyo.

Dacwaddaas ayay tilmaameen inay wakhtigan sababtay muddo-kordhinta ugu dambaysay ee toddobaadkii hore u sameeyeen markii lixaad golaha wakiillada Somaliland laba sannadood, halka ay iyaguna 3 sannadood korodhsadeen.

Kulanka ay Dacwadda Odayaasha Madashu ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa saacado qaatay isagoo albaabbadu u xidhnaayeen, hayeeshee, markii uu soo dhammaaday, waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac oo faahfaahiyey ujeeddada ay go’aankan dacwadda ah u qaateen.

Siyaasiyiintan ku bahoobay madasha wadatashiga oo u badan saraakiishii jabhadda SNM ayaaa sheegay in dariiqa kaliya ee dawladda laga cabanayo loo mari karaa tahay in sharciga la maro, waxaanay xuseen in dacwadii laga aqballay oo laga qabtay.

“Dariiqa kaliya ee banaan wa in maxkamadda dastuuriga ahi dib u eegaan go’aamaddan ay gaadhayaan Guurtidu”ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wadatashiga Somaliland Xasan Guure.

“Maxkamada waxaanu u gudbinay dacwad aan kaga soo horjeedno Guurtida iyo sharciyadeeda ay ku fadhido iyo go’aanka ay gaadhay iyo sharciyadeedda, waana wax uu sharcigu bixiyey in maxkmada dastuuriga loola tago wixii dawlada lagaga cabanayo, gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuu naga aqbalay waanu darsayaa jawaabtana waanu sugayna, cid kasta oo cabanaysa way u banaan tahay, waana marinka kaliya ee dal lagubadbaadin karo”ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Gudoomiyaha Madasha wadatashiga waxa uu xusay in aanay dariiqyada kale ee xisbiyada mucaaradku mareen aanay mari doonin oo aanay dadka isku soo bax ugu baaqeen balse dhinaca sharciga u mari doonaan wixii khalad ah ee dawladda kaga cabanayaan.

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here