Somaliland oo Ciidamo Badan Gaysay Magaalada Ceerigaabo

0
991

Ceerigaabo (Hargeisa Press)– Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka ciidamada Milateriga Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen buuraleyda gobolkaasi, gaar ahaan buurta Karin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo ka tirsan Somaliland ay soo buux dhaafiyeen halkaasi, kuwaas oo ka yimid Tukaraq iyo Yubbe.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in ay fadhiisimo cusub ka samaysteen buuraleyda gobolka Sanaag.

Dhinaca kale, Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in xaaladda deegaanka ay hadda tahay mid degan, iyadoona dadka deegaanku ay soo dhaweeyeen Ciidamada milateriga Somaliland.

Wixii warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa…..

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here