Iyamaa xoojinaya dooda Somaliland: 18 May mise 26 June 1960 Qallinkii: Abdirashid Ibrahim Abdirahman

0
1246
Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan

Midhaha iyo guulaha 18 May ma ahan kuwo doodo galaya – Waa guul & go’aan la gaadhay maalin barakaysan oo Illaahay innagu guuleeyey – isla markaana aynu hadhsanayno. 18 May iyo 26 June 1960 iyama ayaynu doodeena ku adkaysanaa markay arrintu tahay Waxay ku xidhan tahay halkaad ka taagan tahay iyo dhankaad ka eegayso ilayn dawladnimo bilaa aqoonsi ah ayaynu iibinaynaaye.Arrinta uu Ahmed Ismail Samatar ka hadlay ee 18 ka May iyo 26 June iyamaa innoo haboon in la wayneeyo, waxaan aaminsanahay wuxuu ka eegay dhanka aqoonsiga Somaliland. Arrinta sharciga caalamiga ah ee ku wajahan aqoonsiga dawladaha aqoonsiga raba marka laga hadlayo waa in aad muraayad sharci ku eegto iyo dooda ugu subagsan ee qadiyadaasi ku soconayso.

 

Somaliland doodeedu waxa weeye waxaanu nahay dawlad caalamku aqoonsaday 1960 oo midaw dulmi badan sababay gashay, kaasi oo aan ku salaysnayn heshiis la wada galay (Act of Union) – isla markaana bilawga midawgaasiba la kulan tay hagar daamooyin ay ka jawaabeen saraakiishoodii oo isku dayay inqilaab iyo in midawgii laga noqdo – sidaasi darteed waxaanu go’aan ka gaadhnay masiirkayagii annagoo ka baxnay midawgii sida tabaruca ah aanu ku galnay (Withdrawal of Union). doodan marka laga hadlayo waxaa sii xoojinaya tacadiyada ay Somaliland tirsanayso oo uu ka mid yahay xasuuqa iyo 55,000 ee qof ku naf waayay marka laga tago hantida, burburka maskaxeed, iyo dib u dhaca nololeedba. Waa dood loo hayo xaqiiqooyin (Evidences) la taaban karo.

somaliland-map-2010-21

Haddiise arrintu noqoto waxaanu madax banaanidayadda qaadanay 18 May 1991 – macnaheedu waxa weeye waxaad ogolaanaysaa dabaqida caalamku innagu dabaqayaan sharciga goosatayaasha (Secessionists) kaasi oo aan xataa tacadiyada loo gaystay Somaliland aan u aqoonsanayn in ay ahaayeen xasuuq iyo dambiyo – waayo dawladda xasuuqa gaysatay waxay difaacaysay dalkeeda ayay doodu noqonaysaa oo ay ka hor joogtay kooxo gooni goosato raba. Arrintan waa ta keenaysa in beesha caalamku ay inna tidhaahdo la soo hadla Soomaaliya si aanu idiin aqoonsano. Waata ay beesha caalamku ugu doodayso waxaanu ilaalinaynaa sharafta dhuleed ee dawladda Soomaalida.

 

Doodaydu waxay tahay arrinta qadiyadda Somaliland iyamaa u xoog badan marka laga hadlayo aqoonsiga, iyamaa ay cadaymo haysataa. Waxay ila tahay waxaa u xoog iyo xarrago badan si loo gaadho aqoonsi in dooda Somaliland ku salaysnaato 26 June 1960. Lagama doodayo midhaha quruxda badan iyo natiijada 18 May 1991 ay inoo horseeday.

 

Tixgalin.

 

Abdirashid Ibrahim Abdirahman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here