Maayarka Gabiley Iyo Wasiirka Caafimaadka oo Dhagax Dhigey Dhisme Lagu Darayo Hospitalka

0
869

GABILEY , (HargeisaPress) —Maayarka mahamed aamin cumar cabdi oo weheliyo wasiirka caafimaadka Somaliland Mudane Axmed Saleeban Ciise (Xagle Toosiye)ayaa dhagax dhigey qayb dhismo ah oo  lagu darayo hospitalka gabiley hadaba qaybtan dhismaha ah ayaa noqon doonta qayb lagu daawayn doono gurmadka deg dega ah ama emergency room. Hadaba dhismahan waxa hirgalin doona maamulka dawlada hoose ee gabiley iyagoo la kaashan doona wixii adeega ah wasaarada caafimdka.sidoo kale waxa iyaguna dhagax dhigan ku wehelinayey wasiirka caafimaadka wasiirka ganacsiga iyo wasiirka warshadaha s/land .hadaba dhismahan maaanta la dhagax dhigey ayaa ahayd qayb wayn ooo uu ka curyaamay hospitalka gabiley aad loo tabayey.

 

Hadaba qaybtan emergency roomka ah ee lagu darayo hospitalka wayn ee gobalka oo ay bulshada reer gabiley iyo bukaankuba ayaa ahayd meel baaahi wayn loo qabey lana wada sugayey waa sida usheegay maayarka aamin cumar cabdi oo isagu intiii uu maayarka ahaa suura galiyey dhismahan iney maanta dawlad hoose ahaan ay dhagax dhigaan maadama ay qaybtani emergencygu ay ahayd qayb mihhim u ah dadwaynaha ama bulshada reer gabiley in badana laga dhawaaajiyey baahidaasi in la dhamaystiro maanta ay hirgashey in dhagax la dhigo.

 

Sidoo kale maayarka iyo wasiirka caafimaadkuba waxay balan qaadeen iney dhaqso uhirgali doonan dhismahan cusub ee ay maanta dhagax dhigeen isagoo wasiirka caafimadku umahad naqey ururka mutawiciiinta ee samokaal oo iyaguna hirgaliyey hospitalka dhimirka gabiley looguna magic darey kaskaal isla markaana ururka samokaal yahay in lagu daydo bulshada reer gabiley ay gudoonsiiso shaahado sharaf wayn isagoo sheegay wasiirku in hospitalka dhimirka gabiley uu ku hirgalay 1000SH kun shilinka Somaliland oo laga soo ururiyey dadwaynaha reer gabiley.

 

Sidoo kale wasiirku wuxuu umahadnaqey maayarka gabiley oo isaguna hiragalida dhagaxx dhigan cusub dawlada hoose ahaan ay soo fuliyeen isla waana markii uhoreysay ee ay dawlada hoose gabiley ka qayb qaadato adeegyada hospitalka wayn gabiley.

 

Sidoo kale dhismahan dhagax dhiga ah ee maanta usameeyey duqa gabiley aamin cumar cabdi waa markii ugu horeysay ee la arko ama la taabto waxkaqabad ay samaysay dawlada hoose ee gabiley isagoo gobalkani yahay gobal dhaqaalihiisu bixin karo ama dabooli karo waxyaabaha bulshada reer gabiley aadka baahan yihiin sida caafimaadka/waxbarashada.

 

Sidoo kale waxay dawlada hoose ee gabiley 18milion shilling ay siisa xarunta badhasaabka gobalka gabiley iyadoo aan wali degmo oo aanay gobal noqon.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here