Iyamaa Gar-leh Mucaaridkii iyo Muxaafidkii Dooday…? Qalinkii: Haashi Abdi

0
998

Beryahanba waxaynu la wada soconay in muran ka taagan yahay dhankii doorashada islamarkaana uu jiro khilaaf siyaasadeed  kaasi oo u dhaxeeya Xukuumada iyo xisbigeeda kulmiye iyo Asxaabta Mucaaridkaa, muranadaasi siyaasadeed waa kuwo si weyn looga hadal hayo dalka oo dhan islamarkaana si balaadhan loogagaga dodo goobaha bulshadu isugu timaado ee loo yaqaan fadhi ku dirirka, waxaana la falanqeeyaa hadaba arinmaha taagan iyadoo beryahan aad loo hadal hayo khilaafka siyaasiga ah.

Dulucdaydu waxay tahay  habeen dhaweyd waxaan daawaday markaan hor fadhiyey Tv-yada HORN CABLE TV iyo STAR TV laba dood oo ay isku hor fadhiyeen inta iskagaga soo horjeeda khilaafka siyaasada

Doodahaasi  laysku hor fadhiyey  waxay ahaayeen kuwo fooda lays daray oo  loo kala baxay muxaafid iyo mcuaarid,  runtii  doodii Hctv oo aan daawaday waxaa is hor fadhiyey labada nin oo isku dhinac ah kana socday asxaabta mucaaridka iyo hal nin oo ka socday xukuumada  markaan arkay meesha inay kala dhantaalan tahay waxaan arkay inaan meesah cadaalad oolin oo aanu wariyihuhu dhex ka ahayn doodaadi waayo wuu isu miisaami lahaa doodaa laba iyo laba ayuu keeni lahaa, hadaba markii doodii la guda galay waxaa xanaaq iyo qeylo isla soo taagay nimankii mucaaridka ka socday wasiir cukuse oo la doodayey  ayaa si yar oo  farshaxan ah runta ugu sheegay waanan ka helay siduu  doodaa uga hadlaayey waxaanay ahayd miduu dadka  ku qanciyey oo ay u qiyaaqeen halka labadii nin ee kale oo uu wariyihiina soo raacay qeylo iyo cay meeshii la yimaadeen oo buuq abuureen xitaa hadalkii isu daysan waayeen halkaasi waxaan leeyahay Cukuse waxaad muujiyey ragganimo badan iyo aftahanimo badan.

Waxaa iyada jirtay dood kale oo ay isku hor fadhiyeen  afar nin oo kasoo kala jeeday Mucaarida iyo Muxaafidka  labada nine e kasoo jeeday dhanka mucaaridku waxay ahaayeen Boobe iyo Cali Guray halka muxaafidkana ay ka socdeen Maxamed Kaahin iyo Cadi Aw Daahir  walow uu suxufigii dodaa daadihinayey si wacan u waday hadana hadalakana qeybinaayey  hadana waxaa xubnaha mucaaridka laga arkaayey  hadba jar iyo isku qaad iyo ismiidaamin muran qeylo dhegaysi la,aan iyo waxaan meeshaba looga fadhiyin  halka nimanka muxaafidka ka socday ay dhagaysanayeen markoodana hadlaayeen waliya iyadoo baryaayey in lagu ixtiraamo marka ay hadlayan maadama ay markooda dhegaysanayaan sidaana ay tahay sharciga doodu   ugu danbayntii  labdaaa doodoodba waxaa alaabtooda miisaska ka aruursaday  xisbiyadii mucaaridka ka dib markii ay wax ajanda ah keeni waayeen qaarkoodna ay dafireen horumaradii dalka ka jiray  aniga iyo bulshaduba waxaanu qabnaa inay mucaaridku guul daro la howdeen  ceebina raacday.

 

 

Qalinkii: Haashi Abdi

Haashi75@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here