TOG-WAJAALE: Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Oo La Sheegay Inuu Fasaxey Lacago Nidaam Cashuureed Loogaga Qaado Badeecadaha (Elsiiga) Oo Aanay Wasaaradau Maaliyadu Shaqo Ku Laheyn

0
1043

Tog Wajaale, (HargeisaPress) —Mudo ka badan Sanad iyo dheeraad ayaa, Badeecadaha Agabka kala duwan ee Nidaamka Elsiiga kaga baxa Tog-Wajaale laga qaadayey lacago Nidaam Cashuur u dhigan oo aanay Wasaarada Maaliyada Somaliland ka warheyn islamarkaana, aan ku xeroonin Khasnada Cashuuraha D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale  marka laga reebo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo lagu tuhunsan yahey in uu Xog-ogaal u yahey Lacagta aan Khasnada Dawlada Ku Dhicin ee Nidaamka Cashuureed oo uu ogolaansho siiyay, iyo masuuliyiin kale oo Xukuumada Katirsan.

 

Warbixin daaha ka feyday fashilaada lacagaha lagu qaado Waraaqo A/4 ah oo aan ka diiwan gashaneyn guud ahaanba Wasaarada Maaliyada dalka kuna dhicin khasnad Dawladeed ayaa waxey udhigan tahey Sidan:.

 

Lacagta aan aheyn Cashuurta Dawllada ee Waraaqaha juwanada lamidka ah lagaga qaado Ganacsatada haysta fursadaha Esiiga oo rarka Gaadiidka midkiiba laga qaado lacag aan ka yareyn 25$ dollar oo Lacagta Dollarka Mareykanka ah  e Waxa ay si qarsoodi ah u socotey mudo badan iyadoo sida wararka xog ogaalka u ahi sheegayaan in Gudoomiyihii hore ee laga qaadey Xilka Tog-Wajaale Aadan Shiine  oo   kir dhexe Xukuumadu u magacwadey Tog-Wajaale uu fraragalin ku sameeyay isagoo ku wargaliyay in uu Gudidaasi uga fadhiyo Xisaab celin lacagihii hore ee Ganacsatada laga ururiyay iyo joojin lacagta laga qaado Gaadiidka,oo aan sharciga waafaqsaneyn haseyeeshee,taa jawaabteedii ay ku guuleysteen kadib markii ay olole dheer ka galeen Xil ka qaadistiisa iyagoo la kaashadey Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade iyo Wasiiro kale oo Xukuumada katirsan.

 

Inkastoo Gudidan qaada wakhti xaadirkan lacagta laga ururiyo Badeecadaha Elsiiga ah ee ugudbaya Dalka Itoobiya oo iska badelay Magacii hore ee ay Qaadhaanka ku ururin jireen ee Gudida Hurumarinta kuwaas oo hada la baxey Rugta Ganacsiga sida ku cad Xaashida A/4ka ah ee ay ku qaadaan Cashuurta baal marsan nidaamka dakhliga Cashuuraha dalka ee Wasaarada Maaliyadu masuulka ka tahey, Waxa ka baxey Rag badan oo hor ilaahay u bilaabay hawshan iyadoo ay ku hadheen  Xubno muhiim u ahaa Silsilada talaabadani in ay sii socoto.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY