Madax-dhaqameedka Galbeedka Hargeysa oo Digniin U Diray Odayaal Eedaymo U Jeediyay Shirkada Oomaar

0
747

Hargeisa (Hargeisapress)- Qaar kamida Madax-dhaqameedka  gobolada Maroodi Jeex iyo Gabiley ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedo dhawaan ay qaar kamida Odoyaasha Koonfurta Hargeysa  ujeediyeen Shirkada Oomaar iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Madax-dhaqameedkan ayaa ugu horay sharaxaad ka bixiyay sida ay u dhacday arintani, Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay  Suldaan Xuseen Aw Muuse Warsame  oo ah Odaygii bixiyay khasaare gaadhi loo sheegtay Wiil oo Oday u yahay, isagoo sheegay in ay dhamaysteen arintaa Odoyaasha Beeshan tvga ka eedaynaysay Shirkada Oomaar.

Dhinaca kale, Waxa ay digniin culus u direen Odoyashii dhawaan warbaahinta la hadlay ee Beesha Yoonis, Caaqil Maxamed Cabdi Qowdhan, Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariin.

Oday Cabdi Bayle ayaa eedo culus u jeediyay Taliyaha Ciidanka Taraafikada oo uu ku sheegay in uu yahay ninka markasta oo sharciga laysla galo qolada afduubka u gaysatay Gaadiidka Shirkada Oomaar uu yahay ninka reer ahaanta kusii daaya.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here