Ilhaan Cumar oo Markii Saddexaad Loo Dhaariyay Congress-ka

0
816
Ilhan-Omar

Washington (Hargeisa Press) – Ilhaan Cumar oo laga doorto degmada shanaad magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa markii saddexaad loo dhaariyay xubin ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada Congress-ka Mareykanka.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa bishii Novermber ee sannadkii hore mar kale dib loo soo doortay.

“Kursigani aniga kaliya maaha. Waxaa isla leh kumannaanka qof ee aan ku metelo, kuwaas oo doonaya wakiil u dagaalama” ayay barteeda Twitter-ka ku soo qortay Ilhaan Cumar markii la dhaariyay kadib.

Waxay sheegtay in ay u dagaallami doonto sidii wax looga qaban lahaa cimilada, xuquuda shaqaalaha iyo ilaalinta dimuqraadiyadda.

Ilhaan Cumar, ayaa dabayaaqadii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-Mareykan ah oo ka mid noqda Congress-ka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here