Madaxweyne Biixi oo Ka Qaybgalay Aaska Marxuum General Axmed Xasan Muuse

0
1201

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee xilal kala duwan ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya ee burburtay oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka maantana la keenay Caasimada Hargeysa iyadoo lagu aasay Xabaalaha Haleeya.

Waxaana madaxweynaha qaranka kala qaybgalay aaska qaran Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Xubno ka mida Golaha Wasiirrada, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaano, taliyeyaasha Ciidamada, ganacsato, madaxda dhaqanka, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Marxuum, Axmed Xasan Muuse, ayaa ka mid ahaa saraakiishii aasaasay Ciidankii Jamhuuriyadii Soomaalida, isagoo markii dambena ka mid ahaa 25 sarkaal ee ugu sarreeyay xukuumaddii Kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

General Axmed Xasan Muuse, ayaa xilal wasiir ka soo noqday xukuumaddii kacaan, waxana lagu xasuustaa dhismaha waddada isku xidha Burco iyo Berbera oo uu gacan weyn ka gaystay dhismaheeda.

Marxuumka, ayaa waxaa uu sidoo kale buddhig u ahaa aasaaskii Somaliland, waxaanu marxuumku ku dhashay magaalada Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here