Dadkii Ugu Badnaa oo Xannuunka Xummadda Ugu Geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
2694

Hargeysa (Hargeisa Press)- Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa soo saaray warbixin daaha ka feyday tiradii ugu badneyd ee dad ah ee ay soo ridatay xannuunkan Xumadda ee Dengue sanadihii kala danbeeyay 2022 iyo 2024.

Cisbitaalku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in laga soo bilaabo October 2022 ilaa June 2024, uu cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa diwaangelinay 2871 bukaan oo Xumadda Dengue nooca la yidhaahdo Dengue Fever ay ku dhacday.

Sidoo kale, warbixinta ay soo saareen masuuliyiinta cisbitaalka guud waxa ay ku xuseen in 1232 kamid ahi ay ahaayeen Rag, halka 1639 kamid ahani ahaayeen Dumar.

Warbixinta cisbitaalku waxa lagu sheegay in 2036, ka mid ah bukaanadii cisbitaalka soo gaadhay in loo sameeyeey adeeg-bixin caafimaad oo bukaan-socod ah, halka 835 kamid ah la dhigay cisbitaalka oo ay noqdeen bukaan jiif.

Dhanka kale, warbixinta cisbitaalku soo saaray, ayaa daboolka ka qaaday in 1723 ka mid ah bukaanadii cisbitaalka soo gaadhay ee la diwaangeliyay ay da,doodu ka yareyd  30 jir, halka 774 kamid ah ay da,doodu u dhaxaysay 31 jir ilaa 50 jir, halka sidoo kale   374 kamid ah ay da,doodu ka weyneyd 50 jir.

Ugu dambayn, warbixinta uu soo saaray cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa lagu sheegay in dadka xumada u dhintay ay tiradoodu dhan tahay 23 bukaan kuwaas oo inta badan haween u badnaa.

Maxaa laga ogyahay Xumadda Dengue?

Xumadda ama Qandhada Dengue waa cudur ay kaneecadu keento, waxaanu inta badan ka dillaacaa Dhulka Kulaylka ama haddii aynu si kale u dhigno Waddamada dunida ee ku yaalla Dhul-badhaha ama kuwa ku yaalla Kulaylaha Woqooyi iyo Kulaylaha Koonfureed.

Xannuunkani kuma badna dhulka qabowga ah. Qandhada Dengue marka ay meel-dhexaadka tahay, waxa ay sababtaa xumad xoog ah iyo calaamado kuwa hargabka oo kale ah. Balse waxa jira marka ay sii xoogaysato Xumaddani oo loo yaqaano Hemorrhagic Fever (Xumadda Dhiig-baxa), waxay sababtaa dhiig-bax daran, hoos u dhac degdeg ah oo ku yimaadda Cadaadiska Dhiigga iyo xataa Dhimasho.

Astaamaha nooca dambe ee xannuunkan waxa lagu arkay magaalooyin ka mid ah Somaliland oo Dad isugu jira waayeel iyo Dhalinyaroba ugu geeriyoodeen, kaddib markii Afka iyo Sanka Dhiig ka yimi.

Sannad kasta waxa dunida ka dhaca malaayiin xaaladood oo ah caabuqa Dangue, waxaanay xumaddani ku badan tahay dalalka Koonfur-bari ee Qaaradda Eeshiya, Galbeedka Jasiiradaha ku yaalla bad-weynta Pacific, dalalka Latin America iyo qaarkaad Afrika. Haseyeeshee, sannadihii u dambeeyey waxa uu xannuunku ku sii fiday meelo cusub oo ka mid ah qaaradaha Yurub iyo Koonfurta dalka Mareykanka.

Ilaa hadda ma jiro tallaal u gaar ah xannuunkan, balse khubarada caafimaadka adduunku wali way ku hawlan yihiin tallaalka xumadda Dengue. Xalka kaliya ee wakhtigan loo hayo ama meelaha xilligan ay ku badan tahay qandhada Dengue, siyaabaha ugu fiican ee looga hortagi karo xannuunka, ayaa ah in laga hortago qaniinyada kaneecada iyo in la qaado tallaabooyin lagula dagaalamayo taranka kaneecada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here