Ilhaan Cumar oo Ku Eedaysay Trump In Uu Masuul Ka Yahay Dhimashada Aabaheed

0
1415
Ilhaan Cumar iyo Donald Trump
Ilhaan Cumar iyo Donald Trump

Washington (Hargeisa Press) — Ilhaan Cumar ayaa ku eedeysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in dayacaad dambilenimo ah oo uu sameeyey ay mas’uul ka tahay dhimashada aabaheed, oo cudurka COVID-19 u geeriyooday.

Ilhan oo wareysi siisay taleefishinka MSNBC ayaa tidhi “aabahay iyo 300,000 oo shacab ah ayaa noloshooda waayey sababtoo ah dayacaad halis ah oo dambiilenimo ah oo ay sameeyeen Trump iyo maamulkiisa.”

“Aabahay waxa aheyd inuu halkan nala joogo maanta. In badan oo ka mid ah xubnaha qoysaskeena waxay ahayd in maanta halkan nala joogaan, balse nalama joogaan sababtoo ah waxaan leenahay hogaamiyeyaal aan kala jeclen noloshooda,” ayay tidhi.

“Madaxweynaha illaa iyo haanta dhibic naxariis ah uma muujin dadkii geeriyooday. Illaa iyo hadda ma qirin khasaaraha ba’an ee in badan oo naga mid ah aan dareemeyno” ayay hadalkeeda kusii dartay.

Ilhan Cumar ayaa taageertay qoraal uu soo saaray agaasimaha aqlabiyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, Jim Clyburn oo sheegay inuu helo caddeymo muujinaya in maamulka Trump uu faro-gelin siyaasadeed ku sameeyey Xarunta Maareynta Cudurada ee CDC, taasi oo la xidhiidhay cudurka COVID-19.

“Waan ku raacsanahay Clyburn. Balse waa inaan sameynaa intan ka badan. Waa in la baadhaa oo la maxkamadeeyaa kuwa mas’uulka ka ah dhimashooyinkan,” ayay tidhi.

Ilhan Cumar aabaheed ayaa 15-kii June 2020 u dhintay cudurka COVID-19, isaga oo 67 sano jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here