“Iftiinka noloshu waa barashada iyo fahamka Quraanka kariimka ah iyo…”

0
624

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylic), ayaa maanta ka qayb galay munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jabisay jaamacada Quraanka Kariimka ah, taasoo ku taalla magaaladda Hargeysa.

Ardaydan qalin jebiyay oo noqonaya dufcadii koobaad ee ka qalin jabisa jaamacada Quraanka Kariimka ah, kuwaasoo tiradoodu dhamayd 101 arday.

Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro, xildhibaano, maamulka jaamacada, waalidiinta ardayda dhashay iyo marti sharaf kale.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa ardayda ka qalin jabisay jaamacada Quraanka Kariimka ah ku hanbalyeeyay guusha ay ka gaadheen geedigoodii waxbarasho, waxaanu kula dardaarmay inay dadaalkooda halkaaasi ka sii wadaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Quraanka Kariimka ah, ayaa isna sheegay in ay tahay jaamacadii u horraysay ee ku suntan Qur’aanka Kariimka ah, isla markaana laga hirgeliyay gudaha Somaliland.


Waxaanu tilmaamay in lacag la’aan wax lagu baray ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacada, isagoona intaas raaciyay in markasta ay u taagan yihiin ka jaamacad ahaan u adeegista Kitaabka ILLAAHAY SWT.

101 arday ee maanta Jaamacada Qur’aanka ka baxay ayaa ka kala qalin jabiyay laba Kuuliyadood oo kala ah barashada Qur’aanka Kariimka iyo Kuuliyada Shareecada iyo Daraasaadka Islaamiga ah.

Madaxdii iyo marti sharaftii kala duwaneyd ee ka soo qayb gashay qalinta jaamacada Qur’aanka ayaa khudbado kala duwan ka jeediyay munaasibadii loo sameeyay ardaydii maanta ka baxday jaamacada Qur’aanka Kariimka.

Waxaaney ku dheeraadeen qiimaha barashada Qur’aanku Kariimka ahi leeyahay.


Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ka qalinjabisay jaamacada Qur’aanka guddoonsiisay shahaadooyinkii ay mutaysteen.

DAAWO: Khudbadii Madaxweyne ku xigeenka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here