Guddoomiyaha Komishanka Tamarta JSL Oo Kulan La Yeeshay Shirkadaha Korontadda

0
347

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta shirkadaha bixiya addeega korontada.

Masuuliyiinta uu guddoomiyuhu la kulmay ayaa ka kala socday shirkadaha Sompower, TEC iyo Indho Power.

Axmed Faarax Cadare, gudoomiyaha komishanka tamarta Somaliland waxa kullankaas uu la qaatay shirkadaha bixiya adeega korontada ku wehelinayay agaasimaha Guud ee Komishanka Tamarta Maxamed Maxamuud Cabdi Malo.

Agaasimaha waaxda Tamarta, masuuliyin kale oo ka socday Dawlada hoose ee Hargaysa iyo Ciidanka Dab-Demiska Somaliland.

Intii kullankaasi socday waxa lagaga hadlay arrimo la xidhiidha Bedqabka Korontada iyo yaraynta khataraha ka dhalan kara korontada, siiba suuqa Gobonimo iyo xaafada isku raranta ee state house ka.

Gudoomiyaha Komishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa ayaa sheegay in kullankaasi ka mid ahaa dadaalada komishanka tamnartu ugu jiro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay xiliyada qaar gaystaan korontadu.


Waxaanu u mahad celiyay masuuliyiinta shirkadaha bixiya adeega korontada ee kullnakaas ka qayb-galay.

Geesta kale qaar ka mida masuulinta shirkadaha bixiya adeegga korontada ee kullankaas ka qayb galay ayaa sheegay inay diyaar inay komishanka tamarta kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara korontada.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here