Idaacado FM Ah oo Lagu Rakibayo 8 Magaalo oo Ku Yaalla Somaliland

0
2032

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa maanta soo bandhigtay Idaacado FM ah oo lagu rakibayo 8 magaalo oo ku yaalla gobolada dalka, kuwaasi oo laga dhagaysan doono Idaacadda Quraanka Kariimka iyo Radio Hargeysa.

Munaasibad loo sameeyay idaacadahaas, waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada Warfaafinta, Xannaanada Xoolaha, Diinta iyo Awqaafta, Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Maaliyadda, Badhasaabyada Gobollada Maroodijeex iyo Xaysimo, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Beeraha iyo Maayarka degmada Talleex.

Agaasimaha Waaxaha Farsamada iyo Idaacadaha ee Wasaaradda Warfaafinta, Ayaan Cabdirisaaq Jaamac iyo Axmed Ibraahim Cali (Shiine), oo ka hadlay xafladaas ayaa ka warramay ahmiyada ay idaacadaha FMka ahi u leeyihiin baahinta Idaacadda Quraanka iyo Radio Hargeysa, waxaanay madaxda saree e Wasaaradda ku bogaadiyeen natiijada wax-ku-oolka ah ee ka dhallatay dedaalkii ay geliyeen in idaacadahaasi la hirgeliyo. Waxaanay intaas ku dareen in magaalooyinka la dhigayo FM-yada cusub ay ka mid yihiin Berbera, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo, Oodweyne, Caynaba, Saylac iyo Boon.

Waxa kaloo madashaas ka hadlay Guddoomiyeyaasha Gobollada  Xaysimo iyo Maroodijeex,  Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo Jaamac Xaaji Axmed, waxaanay sheegeen inay Wasaaradda Warfaafintu ay qaranka u hayso shaqo culus oo xasaasi ah, waxaanay tilmaameen inay ka go’an tahay wacyigelinta Nabadgelyada kala shaqeeyaan Wasaaradaas.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in idaacadahan FM-ka ah ay Wasaaraddu ugu talogashay in la kordhiyo tirade deegaannada ay gaadhaan idaacadaha Quraanka Kariimka iyo Radio Hargeysa, waxaanu xusay inay tallaabada ay qaadeen ay ka mid tahay waajibaadkoodii ay qayb ahaan fuliyeen. Agaasimuhu waxa kaloo uu tilmaamay Warbaahinta Qaranku ay horumar ka sameysay dhinaca baraha bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Rooble Cabdi Muuse, ayaa sheegay inuu muddo dheer ku xidhnaa oo uu wax badan ka korodhsaday Barnaamijyada ka bixi jiray Idaacadda Radio Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay tahay idaacadda ugu barnaamijyada badan ee Afsoomaali ku hadasha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Muuse Ibraahim Yuusuf, ayaa warbaahinta Qaranka ku bogaadiyey dhexdhexaadnimadii ay ku shaqeeyeen ololihii doorashooyinkii dalka ka dhacay, waxaanu tilmaamay in Wasaaradda Warfaafintu ay hawlaheeda ku wadato oo kaliya dakhliga miisaaniyadda dalka, waxaanu ku hambalyeeyey waajibaadka ay qaranka u hayso.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay ka wada shaqeeyaan kor u qaadista Quraanka Kariimka, waxaanu tilmaamay in idaacada Quraanka Kariimku ay faa’iido badan u yeelatay shacbiga Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, ayaa soo dhaweeyay Ilaacadahan cusub waxaanu sheegay in ay wasaaradda warfaafinta ka wadashaqeeyaan Barnamijyo badan oo la xidhiidha wacyigelinta Xoolaha iyo Kaluunka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka hadlay xafladaas, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay siddeed magaalo ka hirgaliyaan Fm-yo laga dhegaysanayo Quraanka Kariimka iyo Radio Hargeysa, waxa kaloo uu intaas ku daray in sagaal idaacadood oo FM ah iyagana dhawaan la keeni doono.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu caddeeyey inay rajaynayaan in Xukuumaddu isla sannadkan ay dalka u soo iibiso Idaacad weyn oo mawjada gaaban ah, waxaanu madaxda iyo hawlwadeennada Wasaaradda ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan sidii ay bulshada uga haqab-tiri lahaayeen dhinaca wararka iyo barnaamijyadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here