Taalibaan oo Sheegtay In Ciidankeedu Hareereeyen Kooxda Ahmed Massoud

0
886

Kabul (Hargeisa Press) – Taalibaan, ayaa maanta sheegtay inay dagaal-yahanadeeda ay hareereeyen maleeshiyada muqaawamada ah ee ku sugan Dooxada Panjshir, balse ay doonayaan wada-hadal, intii ay dagaal la gali lahaayeen.

Tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, koox muqaawamo ah oo ka tirsanaa askarta dowladdii hore, ayaa isku urursanayey Panjshir, oo waqooyi kaga beegan Kabul, halkaas oo ah meel caan ku ah Taalibaan diidka.

“Dagaal-yahanada waxay saldhigteen agagaarka Panjshir,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujaahid, oo intaas ku daray inay saddex dhinac ka hareereeyen.

“Imaaradda Islaamiga ah waxay isku dayeysaa in si nabad ah loo xaliyo arrintan,” ayuu yidhi.

Hadalkan, ayaa imanaya kadib warbixino xalay soo baxay oo sheegayey in ciidanka Taalibaan ay buuxiyeen Dooxada Panjshir oo ah mid ka mid ah meelaha kooban ee Afghanistan oo ayna kooxdu gacanta ku hayn, halka madaxweynihii ku-xigeenkii hore ee Afghanistan uu sheegay in weli ay haystaan aagaggooda.

Baraha bulshada ee kooxda iska caabinta, ayaa beeniyay warar sheegayay in la durjiyay, waxayna sheegeen in dagaal-yahanadooda ay weerar jidgal ah la heleen Taalibaan.

Ahmed Massoud, oo uu dhalay taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan, Ahmed Shah Massoud, ayaa Panjshir ku ururiyey ciidan gaadhaya 9,000 oo askari, sida uu AFP u sheegay Ali Maisam Nazary oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.

Sawirro ay qaaday AFP, ayaa muujinaya dagaal-yahanada kooxda oo dhoola-tus iyo tababar ciidan sameynaya.

Nazary, ayaa sheegay in kooxdooda ay dooneyso inay riixaan in Afghanistan laga hirgeliyo nidaam cusub oo dowladeed, balse ay diyaar u yihiin inay dagaalamaan haddii ay lagama maarmaan noqoto.

“Ciidamada dowladda oo ka kala yimid gobolo kala duwan ayaa soo gaadhay Panjshir,” ayuu Ahmed Massoud u sheegay warbaahinta Al-Arabiya ee Sacuudiga.

“Taalibaan ma daahi doonto, haddii ay waddadan ku sii socoto. Waxaan diyaar u nahay inaan difaacno Afghanistan, waxaana ka digeynaa dhiig daata.”

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here