Kulan Hada Muqdisho Uga Socda Midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

0
1195

Muqdisho (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay sheegayaan in hada kulan xaasaasi ahi uga socdo magaaladaasi Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada.

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, ayaa isku maandhafsan habraacyada doorashada Soomaaliya.

Waxaana ay kulankan labada dhinac kaga wadahadlayaan habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Soomaaliya iyo diidmadii Midowga Musharaxiinta ay ka muujiyeen, kadib markii ay soo ifbaxday in awooda u weyn ee doorashada Soomaaliya gacanta u gelayso madaxda dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankani uu hadda Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada uga socda hoyga ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin Madaxweynayaasha  Jubbaland iyo Puntland.

Waxaana ay wararku sheegayaan in kulankan uu ku yimid kadib codsi ay labada madaxweyne u direen Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta Mucaaridka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo markii hore xulafo dhow ahaa, ayaa maalmihii dambe ku kala fogaaday hanaanka doorashada Soomaaliya, kadib markii ay madaxda maamul goboleedyadu ay qaateen awooda doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY