Wasiirka Horrumarinta Arrimaha Afrika Ee UK oo La Kulmay Madaxweynaha Soomaaliya

0
828

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan kula qaatay Wasiirka horrumarinta iyo arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell.

Kulanka, ayaa lagaga hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wasiirka la wadaagay guulaha Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliya ay ka xaqiijiyeen dib-u-xoreynta dalkooda,  horrumarinta dhaqaalaha iyo dowlad dhiska, ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa’iideysata fursadaha horrumarineed ee caalamaiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell, ayaa bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaadhay dagaalka Al-shabaab iyo deyn cafiska.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha horrumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada.

Wasiirka Horrumarinta, ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Ingiriiska ay ka go’antahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here