Hoggaanka KULMIYE oo Kormeeray Bilowga Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Hargeysa + SAWIRRO

0
793

Hargeysa, (HargeisaPress) —Hoggaanka sare ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa kormeeray habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee magaalada Hargeysa oo ah maalinta kowaad ee guud ahaan Gobolka Maroodi-jeex ay ka bilaabantay.

KKHJ
Masuuliyiinta xisbiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxay kala qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo iska-diiwaangeliyey xarunta Guriga Shaqaalaha saaka, halkaas oo sidoo kale xubno wasiirro ah iyo qaar ka mid ah madaxda xisbigu ka qaateen waraaqaha kaadhka codbixinta lagu gali doono doorashooyinka u qorshaysan dabayaaqada bisha March ee sannadka 2017.

KKJ
Waxa kaloo madaxda KULMIYE ka qaybgaleen madal Komishanka iyo madaxda axsaabta siyaasaddu ku shaacinayey bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta gobolka Maroodi-jeex, taas oo shacabka loogu baaqay inay si buuxda isku diiwaangeliyaan.

KK YY
Intaas kadib Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin oo ay wehelinayeen Xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, Afhayeenka xisbiga Xasan Gaadhaafi iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbigu bilaabeen kormeer ay ku soo mareen dhawr goobood diiwaangelineed oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga siinayo waraaqaha kaadhadhka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xarunta Guriga Shaqaalaha, dugsiga 26-ka June, xarunta Agoomaha Hargeysa iyo meelo kale, kuwaas oo ay u kuurgaleen sida shaqadu u socoto, iyagoo si kooban uga xog-waraysanayey hawlwadeennada fulinaya diiwaangelinta siday hawshu ugu socoto iyo inay jiraan wax caqabado ahi.

KHJJ

Waxa kaloo ay ku dhiirrigelinayeen dadweynaha inay u dulqaataan kuyuuga qaadashada kaadhka codbixinta.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here