Hogaamiyeyaasha Ethiopia iyo Djibouti Oo Caasimada Djibouti Wada Hadal Ku Leh, Wadajirna U Eedeeyay Xukumadda Eriteria +SAWIRRO

0
996

Djibouti, (HargeisaPress) —Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn, iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa sabtidii dalka Jabuuti tagay,iyagoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay kulanna ay kula yeesheen Madaxweynaha Dawladda Djibouti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.
Ra’isal wasaare Hailemariam Dessalegn, waxaa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha,  Mudane Sofian Ahmed, Wasiirka Gaadiidka, Workineh Gebeyehu, Wasiirka Biyaha iyo tamarta Alemayehu Tegenu, Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda Ambassador Berhane Gebre-Chirstos iyo Saraakiil sare oo dawladda ka tirsan.

d iyo e

Socdaalka Weftigan ayaa lagu macneeyay ka qayb galka Shir laba geesood ah oo halkaasi labada dal ku yeelanayaan,kaasi oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal islamarkaana lagu balaadhinayo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha mandaqada iyo caalamka.
Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn, ayaa Madaxweyne Geelle iyo xukumaddiisa ku amaanay soo dhaweynta Diiran. Waxa uu dawladda Jabuuti ku amaanay doorka ay ka qaadato Arrimaha gobolka siiba ilaalinta amaanka iyo deganaanshaha,sida kaalinta ay kaga jirto dadaalada Somalia iyo South Sudan. Waxa uu sheegay inay ku rajo wayn yihiin midaynta iyo balaadhinta Iskaashiga labada wadan iyo waliba guud ahaan wadamada Ururka IGAD ku jira.
Mudane Ismaaciil Cumar Geele,ayaa isna sheegay in Bookhashada weftigan Ethiopia tahay mid tiir dhexaad u ah Xidhiidhka labada wadan “Dadka labada wadan waxay wadaagaan Qiimo isku mid ah oo dhaqan iyo dhaqaale.Guushayada dhaqaale,Siyaasadeed iyo Bulsho waxay ku xidhan tahay iskaashigayaga labada Wadan oo midba mid ka kale ku tiirsan yahay. Bookhashadan waanu sii wadaynaa, si aanu u helno Dariiqyo lagu midayn karo korna loogu qaadi karo Dhaqaalaha iyo si loo Bariga Africa looga abuuro deganaansho iyo Barwaaqo” ayuu yidhi madaxweyne Geelle.

d iyo e 33
Dhanka kalena labada wadan waxay wada jir u Eedeeyeen wadanka Eriteria ee labada dalba la dariska ah. Xukuumadaha Jabuuti iyo Addis Ababa ayaa shaaca ka qaaday in Eritrea khatar ku tahay amaanka Geeska Afrika.
Cumar Geele iyo Hailemaraim, ayaa war-murtiyeed loogu talagalay saxaafadda ku sheegay in beesha caalamku si dhab ah u qaadato khatarta ay Xukumadda Asmara ku hayso gobolka.

djbouti-vs-ethiopia

Wadamada Jabuuti iyo Eritrea ayaa hadda ka hor laba jeer isku hardiyey dhulka soohdinta ah ee ay wadaagaan. Labada dal ayaa 1996 dagaal culus isaga hor iman gaadhay kadib markii Jabuuti Eritrea ku eedesay in ay duqaysay Ras Doumeira.
Dalka Eritrea ayaa horey xukuumada Jabuuti ugu eedeesay in ay u xaglinayso Itoobiya oo ay xurguf dhanka xuduudahi ka dhaxaysa, Jabuuti ayaa dhankeeda Asmara ku eedesay in ay taagerto jabahada ka soo horjeeda dalkaas.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here