Heshiis Maal-gashi Oo Ay Dhawaan Xukuumadda Muuse Baahisay Inay La Gashay Bangi Shiine Ku Yaalla Oo Waxba Kama Jiraan Noqday Iyo Shiinaha Oo Laga Soo Ogaaday Inaanu Bangigaasi Ahayn Mid Jira

0
799

Beijing, (HargeisaPress) —Heshiiskii Maal-gashi ee qiimihiisu ku kacayay Halka Bilyan ee Dollar ee ay 14-kii Bishan August Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Somaliland ay warbaahinta ka sheegtay in ay la gashay Bangi lagu magacaabo Maxtor Bank oo ay ku sheegeen in laga leeyahay waddanka Shiinaha ayaa shaki weyn laga muujiyey gabi ahaanba jiritaanka Bangigaasi iyada oo xogo qaar ka mid ah warbaahintu qoreen lagu sheegay in aanu Bangigaasi ahayn Bangi ka diiwaan gashan waddanka Shiinaha.

Sida ay shalay baahisay shabakadda Somaliland Chronicle oo arrinta bangigan baadhis ku samaysay waxa ay sheegtay in dhibaato weyni ka jirto xaqiiqanimada bangigan Shiinayska ah oo ay sheegeen in aanu ka diiwaan gashanayn waddanka Shiinaha.

Shabakadda oo xidhiidh arrinkan kala samaysay Komishanka ‘China Securities Regulatory Commission (CSRC)’ sidii ay bal xog dheeraad ah uga heli lahaayeen Bangiga Maxtor Bank ayaa Komishankaasi u sheegay shabakadda in aanay ka war qabin Bangi magacaasi leh oo jira sidoo kalena aanu Bangi magacaasi wataa ka diiwaan gashanayn dalkooda China.

Baadhitaanka shabakaddu ku samaysay arrinkan ayay ku ogaadeen magac kale oo lagu magacaabo (UN Maxtor Bank) oo ay website-kiisa ugu dambaysay macluumaad la galiyo sannadkii 2012, marka laga tago magaca uu xambaarsan yahay ee Qaramada Midoobayna ay ka muuqato lahaanshiyihiisa jihooyin Maraykan iyo Ingiriis ah, mana aha kaasi bangigan ay wasaaraddu sheegtay ee waxa kulmay oo kali ah magaca Maxtor.

14-kii Bishan markii ay Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Somaliland shirka jaraa’id ku shaacisay heshiiska Maal-gashi ee Mashruucan waxa ay warbaahinta hor keentay laba haween ah oo mid ka mid ah lagu sheegay Guddoomiyaha Bangigan Maxtor Bank.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud Cawad ayaa sheegay maalintaasi in heshiiska is faham (MoU) ee ay Bangigan la galeen yahay mid dhigaya in Bangigani Somaliland ku maal gashan doono lacag dhan 1- Bilyan oo Dollar. Tani waxa ay su’aal badan ka dhex dhalisay Shacabka oo is waydiiyey lacagta xaddigaasi le’eg oo xataa aad uga badan maal-gashigii Dekedda Berbera ee Imaaraadka lala galay iyo sida ay xaqiiqanimadiisu u tahay mid sugan.

Wasiirka ayaa sheegay in Lacagta xaddigaasi le’eg ee dhan Halka Bilyan ee Dollar lagu dhisi doono Magaalo dhan oo ay wax waliba u dhan yihiin. “Heshiiskan is fahamka ah waxa noogu jira ee aanu baankan isla garanay waxa ka mid ah in ay hal Bilyan oo dollar ay galin doonaan dalkeena. Magaalo dhan oo Jaamacad leh ayay ka dhisi doonaan dalka. Magaaladaasi oo leh meeshii xayawaanka lagu xanaanaynayay. Beero leh, Huteelo waaweyn oo Super Star ah leh, Super Market-yo leh, lacag kale oo badana way sheegayaan” sidaa waxa wasiirka oo heshiiska bangiga ka hadlayay.

Si kastaba ha ahaatee Wasaarado badan oo xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo mara ah ayaa waxa ay masuuliyiintoodu inta badan warbaahinta ka sheegaan shirkado iyo dawlado ay heshiisyo la galeen oo dalka maal-gashan doona kuwaasi oo gabi ahaanba meesha ka baxa oo aanay waxba ka suurto galin, bulshadana ku keena in ay mar walba ka niyad go’aan ballan qaadyada bushaarooyinka wata ee aan dhaafsanayn hadallada macaan ee warbaahinta mariyaan.

Halkan Ka Eeg Lifaaqa Warbixinta Shabakadda Somaliland chronicle:

MINISTRY OF INVESTMENT SIGNS A BILLION DOLLAR DEAL WITH A NON-EXISTENT CHINESE BANK

Wargeyska Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here