Haweenka Gabiley Oo Taageerro Buuxda U Muujiyay Murashax Cabash

0
563

Gabiley (HP): Waxaa xalay magaaladda Gabiley ka qabsooontay munaasibad ay haweenka gobolka Gabiley taageero ugu muujinayeen murashaxC/qaadir Muxumed Guuleed (Cabash).

Murashax C/qaadir Guuleed, ayaa u sharaxan golaha deegaanka degmadda Gabiley isagoona ka sharaxan xisbiga Kulmiye.

Munaasibadii xalay ee ay haween weynaha Gabiley taageeradda ugu muujinayeen Murashax Xabash, ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.


Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay haween aad u tiro badan oo muujiyay sida ay u taageersan yihiin murashax Cabash.

Qaar ka mid ahaa haweenkii munaasibadda hadaladda ka jeediyay ayaa balan qaaday in ay u codayn doonaan marka la gaadho doorashooyinka.

Geesta kale murashax C/qaadir Muxumed Guuleed, oo isna xafladii lagu taageerayay ka hadlay ayaa uga mahad celiyay haweenka Gabiley sida ay taageeradda buuxda ugi muujiyeen.

Waxaanu balan qaaday in haddii uu ku guulaystay doorashadda inuu ka shaqayn doono waxyaabaha baahiyaadka ee la xidhiidha arrimaha bulshadda ee ay bulshadda degmadda Gabiley tebayaan ama ka maqan.

Dhinaca kale murashax Cabash, oo ah aqoon yahan dhalinayaro ah ayaa safka hore ka jira murashaxiinta ugu taageeradda badan gobolka Gabiley.


Kaasoo ay bulshadda Gabiley si weyn u majeerteen murashaxnimadiisa, isla markaana ay si buuxda u soo wada dhaweeyeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here