Hargeysa: Shir Ku Kaabsan Wacyigelinta iyo Madaxda samaysa Go’aamada Siyaasada Deegaanka

0
467

Hargeysa (Hargeisa Press)- Tababar lagaga hadlayey nidaamka wacyigelinta, baraarujinta dadweynaha, iyo wargelinta madaxda samaysa go’aanada siyaasada lagu maamulo deegaanka ayaa maanta loo qabtay shaqaalaha Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka cimilada ee Soomaaliland.

Shirkaas oo ay maalgeliyeen haayada UNDP iyo dawlada Sweden, waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ee magaaladda Hargeysa.

Waxaana shirkaasi furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Maxamed Cabdillaahi Ducaale, iyo sarkaal ka tirsan UNDP Cabdi Abokor Yuusuf.

Waxaanay masuuliyiintaasi warbixin ka siiyeen shaqaalaha tababarka loo qabanayey muhiimada wacyigelinta iyo baraarujinta iyo sidii shaqaalaha Wasaaradda Deegaanku u fahmi lahaayeen shaqada looga baahan yahay.

Agaasimaha guud ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inay ka faa’íidaystaan aqoonta guud ee deegaanka si ay iyaguna dalka ugaga faa’íideeyaan aqoonta ay ka korodhsadaan tababarkaasi.

DAAWO: Hadalkii agaasimaha ee W. Degaanka ee furitaanka shirkaasi:

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here