Hargeysa: Boobe Yuusuf Ducaale Si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Hargeysa Oo Ka Soo Laabtay Hindiya Oo Uu Xaalad Caafimaad u Tagay + SAWIRRO

0
1363

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Xaalad Caafimaad Dalka Hindiya ugu maqnaa Lixdii Bilood ee u dambeeyay, Shirkada Daabacada Casriga ah ee Sagal jet oo soo dhaweyntiisa qayb weyn ka qadatay.

Mujaahid Boobe oo Xaaladda Caafimaad ee uu Dalka Hindiya u tagay ahayd dhanka Kelyaha, ayaa waxa Cisbitaal ku yaalla Magaalada Bangalore uu ku galay Qalliin lagaga saaray mid ka mid ah Kelyihiisa, waxaana loogu beddelay oo lagu rakibay Kelli uu Wiilkiisa oo la socday u saaray, waxaana nasasho ka dib isaga iyo Wiilkiisii Kellida u saaray oo Caafimaad qabaa ku soo noqdeen Hargeysa.

Boobe Yuusuf Ducaale waxa Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay abwaanno, Qorayaasha Somaliland qaarkood iyo Masuuliyiin ka socday Shirkadaha Ganacsiga ee Somaliland.

Abwaan Yuusuf Cabdulle Shaacir oo ugu horeyn soo dhaweynta Boobe iyo Xaaladdiisa Caafimaad ka hadlay, ayaa yidhi, “Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo muddo shan bilood ku dhow xaalad Caafimaad ugu maqnaa Dalka dibaddiisa, ILAAHAY baa mahad leh inuu Maanta inoo soo noqdo Boobe isagoo Caafimaad qaba oo lagu guuleystay Qalliinkii Caafimaad ee uu u tagay.”

Mustafe Maxamed Khayre oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland, ayaa isaguna soo dhaweeyay soo laabashada Boobe iyo Wiilkiisa u saaray kellida, waxaanu yidhi, “Boobe oo Lix Bilood ka hor innaga tagay isagoo Xanuunsanaya, soona laabtay isagoo Caafimaadkiisu boqolkiiba boqol Wanaagsan yahay. Markaa Boobe iyo Yuusuf oo ah Inankiisa Kellida u saarayba waxaanu u rajeynaynaa Caafimaad iyo Cimri-dharar.”

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isaguna Madaarka Diyaaradaha kula hadlay Warbaahinta, ayaa ka warramay Xaaladdiisa Caafimaad ee xilligii uu Dalka Dibaddiisa u baxay iyo wakhtigan oo uu Dalka ku soo noqday, waxaanu yidhi, “12-ka Bishii July ee Sannadkan ayaan halkan (Hargeysa) ka tagay, 13-keediina waxaan tagay Magaalo la yidhaahdo Bangalor oo Hindiya ku taalla. Maalintaa illaa Maanta hawlo Caafimaad baan halkaa u joogay, muddo Saddex bilood iyo dheeraad ah ayaa kelyaha oo fadhiistay la ii maydhayey. 26-ka bishii October ayaan Qalliin galay, waxaana Kelli ii saaray Yuusuf Cabdiraxmaan oo ah Inankayga, markaa waan iska caafimaad qabaa, ILAAHAY-baana Mahad leh.”

Boobe wuxuu u Mahad-celiyey Dadkii ka qayb-qaatay Dedaalkii wanaajinta Caafimaadkiisa, waxaanu yidhi, “Waxaan u Mahad-naqayaa intii I gargaartay ee ka qayb-gashay sidii aan ugu guuleysan lahaa hawlaha Caafimaad, sidaa darteed waxaan halkan uga Mahad-naqayaa Madaxweynaha JSL iyo Marwadiisa, waxaan u Mahad-naqayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Samsam Cabdi Aadan iyo Maxamuud Xaashi oo qayb ka qaatay hawlaha Caafimaad. Waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Madaxweynaha Jabuuti iyo Marwada koowaad. Waxaan si gaar ah ugu Mahad-naqayaa Safiirka Dalka Jabuuti u fadhiya New Delhi Siciid Cabsiiye oo Gacan weyn iga siiyey siduu Qalliinku iigu suurto-geli lahaa. Waxaan u Mahad-celinayaa, Cali Cabdi Faarax oo Baarlamaanka Jabuuti ka mid ah, Mudane Mustafe oo ah Wasiirka Waxbarashada. Waxaan u Mahad-celinayaa Shacabka Jabuuti oo kaalin mudan ka qaatay.”

Boobe waxa kale oo uu Mahad-celiyey, “Waxaan u Mahad-celinayaa Shirkadda Telesom iyo Guddoomiyeheeda Cabdikariin Maxamed Iid, Shirkadda Dahabshiil iyo Maxamed Siciid, Jaamac Oomaar, Shirkadda Daalo, Dawladda hoose ee Gebilay, Madbacadda Sagal-jet iyo Dad badan oo midba si uun ii kaalmeeyay. Intiinii Telefoonka iyo IIMAYLADA nagula soo xidhiidhaysayna waad Mahadsan tihiin. Waxa Mahadsan Qoyskayga, waxa Mahadsan Xaaskayga Faadumo, Yuusuf Cabdiraxmaan (oo Kellida ii saaray), waxaan u mahad-naqayaa Walaalladay.”

Shiine Cilmi 

shine@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here