Hargaysa: Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Warbixisay Xaaladda Covid-19

0
568

Hargaysa (HP):  Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay kiisaskii u danbeeyay iyo halka ay marayso xaaladda xanuunka Coronavirus ee dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xaaladda dalka ee xannuunka Corona Virus ay aad u sahlan tahay, marka loo eego heerka uu ka maraayo dalalka aynu jaarka nahay.

Waxaanu agaasimuhu intaas ku daray in celcelis ahaan boqolkii qof ee la baadho shan qof laga helo xannuunkaas.

Dr. Xergyee, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa  uu tilmaamay in dadkaasi ay u badan yihiin gobolka Maroodi jeex.

Waxa kaloo uu sheegay agaasimuhu  in gobolada dalka wasaaraddu gaysay mishiinadii lagu baadhi lahaa xannuunkaas, hawshooduna ay u socoto si habsami ah.

Dhinaca kale agaasime Xergeeye,  waxa uu dadweynaha u soo jeediyay in insha kaliya ee ay ka heli karaan xogaha la xidhiidha xaaladda xannuunka Corona Virus ay tahay wasaaradda caafimaadka.

Isagoona ku adkeeyay bulshadda in aanay rumaysan wararka cid aan ahayn wasaaradda caafimaadku ay ka faafiyaan xaaladda xannunkaas ee Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY