Hargaysa: Shirka Horumarinta waxbarashadda Oo Furmay

0
433

Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ka furmay shirka horumarinta waxbarashadda ee Somaliland.

Shirkaasi oo bishiiba mar ay yeeshaan wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo haayadaha caalamiga ah ee ka taageera dhinaca horumarinta waxbarashadda.

Waxaana shirkaasi lagaga arrinsanayay arrimaha horumarinta waxbarashadda gaar ahaana mashaariicda horumarinta waxbarashadda ee ay beesha caalamku siiso Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirkaasi lagaga hadlay waxbarashadda dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo dadka leh hal abuurka waxbarashadda.

Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo shirkaasi furay ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadda lagaga hadlay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here