Somaliland:W.Arrimaha Gudaha Oo Mucaaradka Ku Eedeeyay In Ay Qalalaase wadaan

0
535

Hargaysa (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa wax laga xumaado iyo kicin dadweyne ku tilmaantay hadal uu maanta jeediyay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Hadalkaasi oo uu guddoomiye Faysal, xukuumadda ku dhaliilayay in ay doonayso in ay af-duubato doorashadda shir-guddoonka golaha Wakiiladda ee berito.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabayay hadalka guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in dhibaatadda iyo fawdadda uu Faysal Cali Waraabe ku baaqay ay tahay mid aan looga fadhiyin.

Wasiir Kaahin, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay erayadda guddoomiyaha UCID uu bulshadda Hargaysa ugu baaqayo in ay mudaharaad iyo rebshado sameeyaan.

Waxaanu wasiirku sheegay in aanay haba yaraatee wax dhibaato ama nabadgeliyo dsrro ahi dhacaynin berito, isla markaana si nabadgeliyo ah lagu dooran doono shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiiladda.

Maxamed Kaahin, oo maanta warbaahinta la hadlay waxa uu tilmaamay in Somaliland ay ka soo gudubtay waxyaabaha uu Faysal Cali Waraabe, ku baaqayo oo kale, isla markaana ay hadda ku socoto dariiqa adkaynta nabadelgeliyadda iyo xasiloonidda.

Geesta kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID in dad ka tirsani ay abaabulayaan ficillo amaanka khal-khal lagu gelinayo.

Kuwaasoo uu sheegay in ay soo abaabulayaan dad xisbiyadaasi ka tirsan oo ku andacoonaya in xildhibaanadii baarlamaanka ay xukuumadu xidh xidhayso, isla markaana loo diidayaa in ay shirka ka qayb galaan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here