Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Shaqaaqo Ka Dhalatay Gaadhi Siday Qaad Oo Magaaladda Baligubadle Soo Galay.

0
888

Baligubadle (HargeisaPrees)— Hal nin ayaa ku dhintay, halka mid kalena ku dhaawacmay  magaaladda Baligubadle  ,kadib markii ay ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Baligubadle rasaas ku rideen gaadhi Jaad siday oo si sharci daro ah  magaaladda Baligubadle kusoo galay, Sida uu u xaqiijiyey Taliyaha qaybta Ciidanka Bilayska ee gobolka Hawd Cali Maxamed weriyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaaladda Baligubadle.

Dhanka kalena gaadhiga gargaarka deg dega ah ee Cisbitaalka Baligubadle  oo isaguna siday dadka shilkaasi ku dhaawacmay ayaa jiidhay dad goob dukaan ah wax ka iibsanaayey , kuwaas oo iyagana dhaawacoodii la dhigay cisbitaalka magalaadda Baligubadle sida uu xaqiijiyey Agaasimaha Cisbitaalka Baligubadle Dr Xuseen Xasan Cali .

Maalintii shalay ayay ahayd markii ay ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Hawd ay magaaladda Baligubadle ku gubeen Qaad gaadhaaya 140 Kiloo oo qaad ah, kaas oo hab sharci daro ah lagu soo geliyey Somaliland, waxaana lagu qabtay gaadhi noociisu yahay Xaajiyad.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here