“Hadaynu iskaashi badan samayno dalka horumar ayaa la gaadhsiin lahaa…” Saylici

0
278

Boorama (HP): Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta shahaadooyin guddoonsiiyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Adal oo ku taalla magaaladda Boorama.


Ardaydan ka qalin jebiyay jaamacada Culuumta Caafimaadka ee Adal (Adal Medical University) ee magaaladda Boorama ayaa noqonaya dufcadii 4aad ee ka baxda jaamacadaasi mudadda ay shaqaynaysay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, ayaa ugu horayn hanbalyeeyay ardayda qalin jebisay, maamulka macalimiinta jaamacadda Adal ee wax soo baray, iyo sidoo kale waalidiintii ku soo tabcay.

Waxa kaloo uu Saylici, ka waramay qiimaha ay leedahay in jaamacadaha dalku ay xidhiidh iskaashi la yeeshaan jaamacadaha wadamadda dibadda.

Waxaanu jaamacadda Adal ku bogaadiyay in ay xidhiidh iskaashi la yeesheen jamaacad ku taalla dalka Ingiriiska, isagoona xusay in ay u mahad celinayaan cid kastoo horumar dalka ku soo kordhisay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ka hadlay qiimaha, iyo faa’iidadda ay leedahay in la isku kaashado wax kastoo horumarka dalka ah.

Waxaanu u soo jeediyay ganacsatadda, aqoon yahanka, iyo dhalhaatiirta in ay iskaashadaan, taasoo ka faa’iido badan in ay si keli keli ah u shaqaystaan.

C/raxmaan Saylici, ayaa kula dar-daarmay ardayda qalin jebiyay in ay ka shaqeeyaan ka shaqaynta samo-falka, isla markaana ay taasi guul weyn ku gaadhi karaan.

Waxaanu u soo jeediyay in ka hor inta ay shaqooyin helayaan in ay dadkoodda iyo dalkoodda uga faa’iideeyaan cilimigii ay barteen.

Dhinaca kale madaxweyn ku-xigeenka Somaliland waxa uu ka hadlay doorka looga baahan yahay in dadka aqoon yahanka ah ee jaamacadaha dalka ka soo baxaa in ay bulshadeena ka wacyigeliyaan caadooyinka xun xun ee dub u dhaca ku sababay.

Waxaanu sheegay in marka la isku kaashado sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka bulshadeena haysta in ay taasi keenayso faa’iidada badan.


Gebagebadii madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici, ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen gudoonsiiyay ardayda jaamacadda Adal ka qalin jebiyay.

DAAWO: Khudbadii Saylici:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here