Waa Imisa Qaadhaanka La Bixiyay Ee Dib U Dhiska Suuqii Gubtay Ee Tog-Wajaale

0
218

Tog-Wajaale (HP): Xukuumadds dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland, shirkaddo ganacsi, iyo dawladaha hoose ee dalka ayaa shaaciyay lacagta qaadhaanka ee ay laga qayb qaadanayaan suuqii gubtay ee degmadda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Suuqaasi magaaladda Wajaale oo gubtay 18-kii bishii hore ee sanadkan ayaa ilaa hadda waxaa jira lacago loo qoon deeyay dib u dhiskiisa oo lagu dhawaaqay.

Waxaana jira shirkado, iyo ganacsato kala duwan oo ilaa hadda shaaciyay qadarka lacageed ee ay kaga qayb qaadanayaan fib u dhiska suuqii gubtay ee Tog-Wajaale.

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay taakulaynta ganacsatadii ku hanti-beelay suuqii gubtay ee Wajaale kaga qayb qaadanayso lacag dhan $600,000 dollar (Lix boqol oo kun oo dollar).

Ururka dawladaha hoose ee Somaliland ayaa lacag dhan $600,000 ku wareejiyeen guddida ay xukuumadda Somaliland u xilsaartay ka soo kabashada khasaarihii uu dabku gaystay.

Sidoo kale ganacsatada qaadhaankooda shaaciyay waxaa ka mid ah shirkada Dahabshiil oo ku dhawaaqday in ay gurmadka kaga qayb qaadanayso lacag dhan $300,000 oo dollar, halka shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ay iyad na balan qaaday in ay bixinayso lacag dhan $150,000 oo dollar.

Guddiga ganacsatadda magaaladda Tog-Wajaale ayaa iyagna ku dhawaaqay in ay bixinayaan $500,000 kun oo dollar, iyo maayarka degmadda Wajaale ee dhinaca Ethiopia oo bixiyay 100,000 Birr oo lacagta Ethiopia ah.

Lacagahaasi oo marka la isku geeyo qadarkoodu gaadhayo $2,150, 000 dollar, iyo 100,000 oo Birr, taasoo la rejaynayo in ay tahay qaybta ugu weyn ee qiimaynta dib u dhiska suuqii gubtay lagu soo sameeyay.

Khasaarihii ka dhashay suuqii gubtay ee Wajaale ayaa markii la soo qiimeeyay waxaa lagu qiyaasay lacag dhan $5,300,000 (Shan milyan iyo Saddex Boqol kun oo dollar).

Taasoo marka la eego qadarkii la sheegay in ay ku baxayso dib u dhiska suuqii gubtay ay hadhsan tahay lacag dhan $3,150,000 oo dollar.

Iyadoo na dib u dhiska suuqii gubtay, iyo dib u xoolaynta ganacsatadii ku hanti beelay bixinteedda lagu balan qaaday lacagta xoogeedii isku tashi bulsho.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in shirkado ganacsi oo kale iyo dad maal-qabeeno ah in ay maalmaha soo socda shaacin doonaan lacagaha qaanka ah ee a, kaga qayb qaadanayaan dib u dhiska suuqii gubtay ee Wajaale.

Shirkadaha ganacsi ee sida weyn loo naawilayo in ay ku dhawaaqaan bixinta qaadhaanka lacageed ee dib u dhiska suuqii Wajaale waxaa ka mid ah shirkadda Oomaar, shirkadda Som Cable, shirkadda Indho Deerro, iyo shirkadda ayaa laga war sugayaa in ay ku dhawaaqaan qaadhaanka ay u qoondeeyeen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here