“Hadalka Barkhad waa been abuur” Sheekhul Beledka Boorama

0
303

Boorama (HP): Sheekhul beledka gobolka Awdal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland ee cusub.

Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar, ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka xildhibaankaasi ee ah inuu sheekhu duceeyay ama taageersan yahay xildhibaan C/rasaaq Khaliif Axmed, oo u tartamaya guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

Waxaanu sheegay Sheekh Cali Jawhar, in aanay jirin meel uu ka yidhi inuu kala taageersan yahay labadda xildhibaan ee u tartamaya guddoomiyenimadda golaha wakiiladda.

Arrintaasi oo uu sheekhu ku tilmaamay mif been ah oo aanay waxba ka jirin, isla markaana aanu isagu aqoon ba u lahayn xildhibaan C/rasaaq Khaliif.

Balse uu aqoon fiican u leeyahay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), isla markaana ay marar kala duwan iyo xiliyo adag soo wada shaqeeyeen.

Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar, oo maanta warbaahinta kula hadlay gurigiisa magaaladda Boorama ayaa xildhibaan Batuun uga baaqay inuu raali gelin ka bixiyo hadalkaasi beenta ah.

 

DAAWO: SHEEKHA OO ARRIMAHAASI KA HADLAYA:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here