Hadalhaynta Shacabka ee Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Dareenkii Ku Koobnaa Biixi iyo Ciro (FAALLO)

0
2122

Hargeysa , (HargeisaPress) —Waa markii Shanaad ee Nooceeda ah oo ay kulan Fool ka Fool ah Ku Kulmaan Madaxweynaha Talada dalka haya Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoonka Xisbigii Loolanka Adagi ku dhex marey Doorashadii Madaxtooyadda Waddani iyo Xisbiga kale ee Ucid.

Guud ahaanba Shacabka Somaliland ayaa Siweyn u falanqeeyay kulankan u Dambeeyay ee ay Ku Kulmeen habeenkii Xaley ahaa Kadib Markii Khilaafka u Dhexeeya Xukuumada Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyadu uu Meek adag gaadhey Khusuusan Qoddobka Xudunta Khilaafku Ha u badnaato Sidii uu Madaxweyne Biixi uga Badheedhay in aan Komishanka Doorashooyinka La baddelayn taas, oo uu Ku Macneeyay in ay Doorashadii uu Kusop Baxey ee Madaxtooyadda Xaaraantimaynayso, Sidaa darteedna uu Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo Xiligaa Socdaal ku guda jirey meel adag iska taagey in aanu Kulan Dambe la qaadanaynin inta Madaxweynuhu Komishanka ku Dhagan yahey.

Haddaba Waji kasta oo uu Kulankan u Dambeeyay daarnaa, Waxa ay Dad badani aaminsan Yihiin in uu Marka hore dalabkiisu ka Yimid Dhinaca Madaxweyne Biixi Sidii caadadu aheyd Islamarkaana, Nuxurkiisu Ku qotomey Marka Gees Kasta lagaga Yimaado in Loo Kulmey oo lagu heshiiyay in La heshiiyo Si aan Khikaafka Guduhu fursad ugu Noqonin Duufaanadda Siyaasadeed ee Somaliland kaga Socda Dhinaca Koonfurta Soomaaliya iyo Isbadeladda Geeska Afrika oo Xaqiiqdii.u Muuqqda in ay Saamayn taban iyo Mid Togganba ku yeelatey Siyaasada Xukuumadan Madaxweyne Biixi hogaaminayo, taas oo Albaabo badan oo Beesha Caalamka ah iyo Istaraatijiyadii laga lahaa Somaliland Kasoo qufushey Dhinac kasta haseyeeshee, uu Madaxweynuhu Furfuristeeda Miciin biddey in Doorka Xisbiga Waddani Kaalin Culus ka qaadan karro.

Sikastaba ha ahaatee, Su,aasha hadalheynta Dadweynaha ee Arintan ku Xidhiidhsani Waxa markiiba Si aad ah la isku Weydiiyay Muxuu Kulankan aan heshiiska lagu gaadhey aan heshiino kaga duwanaanayaa kuwii hore ee Midha dhalka Noqon Waayay runtii Waa Su,aal aan Jawaabteeda lagu dagdagi Karin Sababtoo ah Marbaba hadaan la isla Soo qaadin Xuduntii Khilaafka ee Komishanka Doorashooyinka ku Wajahnaa Waxa hadda Muuqata in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid isagu taa Ku Liqey in ay Xukuumada isla fahmeen in Kharashaadkii Dheeraadka ahaa ee uu Kaga Duwanaa Labada Xisbi ee Kale ee Miisaaniyadihii Xukuumadii hore ku Jirey loo Fasaxo, sidaana uu uga soo laabto halkii adkeyd ee uu Gaadhey Mudooyinkii u Dambeeyay balse, Waxa ay taladu jiiftaa oo ku kaliyaysanaya sida muuqata Qadiyadda Komishanka iyo halka la isla meel dhigi Doono Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Madaxweyne Biixi meel la iskala Soo Dhacaba, inkastoo oo Kukankan u Dambeeyay iyo Dhaqdhaqaajintiisu ku timid Sida ay hadhwanaagnews u Xaqiijiyeen Warar lagu kalsoon yahey Socdaaladii uu Madaxweyne Kuxigeenku Cabdiraxmaan Saylici ku gaadhey Brusaless iyo London islamarkaana, jawaabta fariimihii uu Kasoo Qaadey Midawga Yurub oo Somaliland ka taageera, dhinaca Doorashooyinka iyo hanaanka Dimuqraadiyadda.

Gabagabadii Waxa loo dhegtaagayaa halka uu Ku Dambeyn doono, Nuxurka kulankan u Dambeeyay Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyadda Mucaaridka ahi Waxaana loo filayaa in Saadaashiisu ku Dambeyn Doonto laba mid oo ah in Halkii uu ka margan jirey ka mar kale Ka leexdo iyo in ay isugu biyo Shuban doonto in hore looga gudbo Xusul-daarka Xanaftii Doorashadii u Dambeysay ee Madaxtooyaddu ka tagtey.

Cabdiraxmaan Nuux Axmed (hiiraan)

Email: hiiraan2007@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here